Haddii xataa aynaan sida xanuunada jirka ku dhaca uga hadal, caafimaadka xaga maskaxdaa waa mid badan. Sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya, shantii qof ee Australian ah mid ayaa qaba xanuun dhanka maskaxda ah.
La hadal dhaqtarkaaga guud
Hadii aad la tacaalayso xanuun xaga maskaxdaa, la hadal dhaqtarkaaga.
“Dhaqtarkoodu inta badan waa meesha u horaysa ee ay tagaan si loosii ogaado waxa xanuunku yahay oo loo qiimeeyo kadibna dhaqtar ku taqasusay loogu diro sida psychologist oo ah dhaqtar yaqaan xanuunada maskaxda" sidaas waxaa SBS u sheegay Dr Stephen Carbone.
Dhqaatiirta iyo turjubaanada ayaa ixtiraamaya macluumaadkaaga gaarkaa oo aan cidna la qaybsanayn, waana sharciyan inaysan cidna la qaybsan waxaad u sheegto.
Dadka aan afka Englishka ku hadal oo u baahan turjubaan waxaa jiro adeegyo sida kan ay bixiso TIS National.
Sidee laysaga bixiyaa qarashka?
Nidaamka Medicare ayaa bixiya Better Access initiative, oo kuu ogolaanaya inaad 10 jeer aragto dhaqtar xanuunka madaxa ku taqasusay oo lacag la'aan ah sanadkasta.
Haddii aad tahay qof daqli yar soo galo waxaad xaq u yeelan kartaa barnaamujka ATAPS oo ku siinaya 12 jeer ama mararka qaar 18 jeer inaad dhaqtar aragto sanadkiiba.
Si aad u hesho adeegyadaas iyo inaad lacag la'aan ku aragto dhaqaatiirta, waa inuu warqad kuu qoraa dhaqtarkaaga caadiga ah ee GP loo yaqaan.

Source: CC0 Creative Commons
Xarumaha bulshada iyo ururo ayaa sidoo kale bixiya adeegyo latalin ah oo badan.
Caawimaad lagu helo dhanka internetka ama telefoonka.
Haddii aaddan ku qanacsanayn inaad qof hor fariisato ama aad u baahan tahay gargaar degdeg ah waxaad ka heli kartaa Online ama Telefoonka.
Beyondblue waxay leedahay qad tel oo 24/7 maalmoodba aad wici karto 1300 22 4636 iyo dad aad internetka kala hadli karto oo 3 PM to 12 AM, 7 maamood asbuuciiba la heli karo. Waxaad sidoo u diri kartaa email them waqti kasta.
Gargaar degdeg waxaa kalood ka helikartaa Lifeline 24/7 13 11 14 and a chat service from 7 PM to 4 AM. Waxaad kaloo la xariiri kartaa Suicide Call Back Service oo ah adeeg caawiya dadka inay naftooda gooyaan qatarta ugu jira.
Caawinta caruurta Kids Helpline 1800 55 1800 waxaa loogu talo galay caruurta iyo dhalinyarada dadoodu u dhaxayso 5 sano ilaa 25 sano.
Adeegyada Turjumaada.
Haddii aad u baahan tahay taageero luqadaa, wac TIS National 131 450 marka hore kadibna waydii cida aad rabto inaad la hadasho. Waxaad u isticmaali kartaa TIS si aad u balansato turjumaan markaad booqanayso dhaqtarka guud ama mid ku taqasusay xanuunada dhimirka.
Qof uun la hadal

Source: CC0 Creative Commons