Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Seven people have been killed and 176 homes lost in the bushfires in southern New South Wales

bushfires
Source: AAP

Todobo qof ayaa ku geeriyooday 176 gurina way ku gubteen dababka ka holcaya koofurta NSW.

Inka badan 100 dab ayaa wali ka gubanaya gobolka NSW oo dhan iyadoo dababka ugu qatarta badan ay ku wajahn yihiin xeebaha koofureed.

Shane Fitzsimmons oo ah madaxa dabdamiska baadiyaha ayaa sheegay inay u badan tahay in tirada dadka dhintay guryaha gubtay ay kor u kacaan.

"Waan ognahay in qasaaraha gaaray gobolka oo dhan uu yahay mid aad u sareeya, waxaase ugu muhiimsan in nasiibdaro ay dad ku nafwaayeen" ayuu yiri Mr Fitzsimmons.

Dhanka kalana inka badan 40 dab ayaa ka holcaya gobolka Victoria iyadoo afar qof la la'yahay.

Premierka Victoria Daniel Andrews ayaa sheegay in Victoria ay wajahayso daruufo gaar.

"Waxaa jira dad ku go'doonsan meelo u dhexeeyay dadbka. Waxaa jira dad ka baxsaday dabka oo aan dib u noqon karin. Waxaa jira dabab aan wali la damin, waxaana nagusoo wajahan kulayl daran maalmaha soosocda ee Jimcada iyo Sabtida. Taasina waxaa kasii daraysaa xaalada awalba adkayd" ayuu yiri Mr Andrew.


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now