Seven people have been killed and 176 homes lost in the bushfires in southern New South Wales

bushfires

Source: AAP

Todobo qof ayaa ku geeriyooday 176 gurina way ku gubteen dababka ka holcaya koofurta NSW.

Inka badan 100 dab ayaa wali ka gubanaya gobolka NSW oo dhan iyadoo dababka ugu qatarta badan ay ku wajahn yihiin xeebaha koofureed.

Shane Fitzsimmons oo ah madaxa dabdamiska baadiyaha ayaa sheegay inay u badan tahay in tirada dadka dhintay guryaha gubtay ay kor u kacaan.

"Waan ognahay in qasaaraha gaaray gobolka oo dhan uu yahay mid aad u sareeya, waxaase ugu muhiimsan in nasiibdaro ay dad ku nafwaayeen" ayuu yiri Mr Fitzsimmons.

Dhanka kalana inka badan 40 dab ayaa ka holcaya gobolka Victoria iyadoo afar qof la la'yahay.

Premierka Victoria Daniel Andrews ayaa sheegay in Victoria ay wajahayso daruufo gaar.

"Waxaa jira dad ku go'doonsan meelo u dhexeeyay dadbka. Waxaa jira dad ka baxsaday dabka oo aan dib u noqon karin. Waxaa jira dabab aan wali la damin, waxaana nagusoo wajahan kulayl daran maalmaha soosocda ee Jimcada iyo Sabtida. Taasina waxaa kasii daraysaa xaalada awalba adkayd" ayuu yiri Mr Andrew.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand