Shaqaalaha Facebook ayaa shaqada joojiyay iyagoo ka cabanaya go'aanka shirkadu Facebook aysan uga saarinn qoraal uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku qoray bartiisa Facebooga.
Isagoo ka hadlaya dibad baxyada ka socda Minneapolis ayuu Mr Trump qoray "Markii boobka dukaamadu bilowdo, toogashaduna way bilaabanyasaa" kalmadahaas oo qaar badan oo ay ku jirto Twitter ay u arkeen inay tahay fariin kicin ah.
Halka Twitter ay digniin saareen fariinta madaxweynaha, madaxa facebook Mark Zuckerberg ayaa go'aan ku gaaray inuu fariinta sideeda u daayo isagoo ku dooday in warbaahinta bulshada ay u jirta si aragtiyo kala duwan la isugu dhaafsado.
Go'aanka Zuckerberg ayaay shaqaalihiisu canbaareeyeen, iyadoo kumanaan ka tirsan ay codsadeen in maalin fasax la siiyo si ay ugu biiraan dibad baxyada looga so horjeedo cunsuriyada ee ka socda dalka Maraykanka.