SKIP TO MAIN CONTENT

Shaqaalaha Facebook oo canbaareeyay hadal kasoo yeeray Madaxweyne Trump

Facebook CEO Mark Zuckerberg has defended the decision not to censor the President.
Facebook CEO Mark Zuckerberg has defended the decision not to censor the President. Source: AAP

1 min read

Published


Skip to article content

Shaqaalaha Facebook ayaa shaqada joojiyay iyagoo ka cabanaya go'aanka shirkadu Facebook aysan uga saarinn qoraal uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku qoray bartiisa Facebooga.

Isagoo ka hadlaya dibad baxyada ka socda Minneapolis ayuu Mr Trump qoray "Markii boobka dukaamadu bilowdo, toogashaduna way bilaabanyasaa" kalmadahaas oo qaar badan oo ay ku jirto Twitter ay u arkeen inay tahay fariin kicin ah.

Halka Twitter ay digniin saareen fariinta madaxweynaha, madaxa facebook Mark Zuckerberg ayaa go'aan ku gaaray inuu fariinta sideeda u daayo isagoo ku dooday in warbaahinta bulshada ay u jirta si aragtiyo kala duwan la isugu dhaafsado.

Go'aanka Zuckerberg ayaay shaqaalihiisu canbaareeyeen, iyadoo kumanaan ka tirsan ay codsadeen in maalin fasax la siiyo si ay ugu biiraan dibad baxyada looga so horjeedo cunsuriyada ee ka socda dalka Maraykanka.


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now