Sida lagu qoray qoraal kasoo baxay xafiiska wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating Hogaamiyayaasha Soomalida ayaa lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho 7 bisha december oo barri ah.
Qoraalka ayaa lagu bilaabay in " anoo ku hadlayaa magaca saxiibada Soomaaliya, waxaan qirayaa horumarka wayn ee laga sameeyay hirgalinta nidaamka doorashada 2016 iyo doorka aad ka qaadateen inay taasi dhacdo"
Shirkan ayaa dhacaya ayaa lagu yiri qoraalka iyadoo lagu jiro waqti muhiim u ah nidaamka doorashadu oo kooramkii xildhibaanada aqalka hoose iyo kan sare la hayo ayna socdaan xil wareejinta baarlamaanka 9 aad ee Soomaliya uu xilka ku wareejinayo baarlamaanka 10 aad.
Talaabooyinka ay qaadan madasha qaran iyo gudiyada doorashada maalmaha soosocda ayaa fure u ah waqtiga doorashada iyo inay noqoto mid la aamini karo ayaa lagu qoray warqadan kasoo baxday Michael Keating.
Waxaa kaloo qoraalka lagu muujiyay in xal degdega loo helo xubnaha Somaliland uga qayb galaya baarlamaanka oo muran ka jiro.
Waa in doorashada lagusoo afjaraa inta uusan sanadkan 2016 dhamaan ayaa lagu yiri qoraalkaas. Hadii lagu guuldaraysto taana waxay cawaaqib xun ku reebaysaa Somalia iyo sumacada nidaamka doorashada iyo waliba in saaxiibada Soomaliya ay sii wadaan taageerida agendayaasha muhiim u ah dalka 2017, haday noqdaan dhinaca amaanka iyo in laga jawaabo caqabadaha dhinca bulsho iyo kuwa dhaqaale.
Waxaa lagu gabagabeeyay qoraalka in beesha caalamku soo dhawaynaso fursada madaxda Soomaaliya ay kula kulmayaan saaxiibada beesha caalamka si looga wadahadlo dhamaystirka nidaamka doorashada.
