Waxaa magaalada Muqdisho lagu wadaa inuu ka furmo shirmadexeedka ururka goboleedka IGAD. Urur goboleedkan oo ay ku bohoobeen dalalka geeska Africa oo ay ka mid yihiin, Ethiopia, Kenya, Koofurta Sudan, Somalia, Djibouti, Eritrea, Sudan iyo Uganda
Waa markii u horeeyay ee shirka IGAD lagu qabto Somaliya mudo 30 sano ah, waxayna kusoo aadaysaa xili kala guur ah oo dalku doorasho u diyaar garoobay. Sidoo kale amaanka ayaan ahayn mid hagaagsanaa iyadoo xoogta Al-Shabaab ay weeraro badan ka gaysatay magaalada caasimada.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdusalam Hadliye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in martigalinta shirkan uu fariin u yahay in Soomaaliya ay doorkeeda gobolka dibusoo ceshanayso.
Arimaha looga hadlidoono shirka ayaa waxaa ka mid ah dagaalada dib uga qarxay dalka cusub ee Koofurta Sudan.
Shirka IGAD ayaa waxaa amaankiisa wax ka sugaya ciidan ka socda dalalka midowga Africa oo ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan IGAD sida Uganda, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti.
Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, South Sudan, Sudan, Somalia and Uganda - See more at: http://www.hiiraan.com/news4/2016/Sept/117604/somalia_to_host_igad_for_the_first_time_in_30_years.aspx#sthash.gxxHdSox.dpuf
