Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Shirkada DP World oo Laga Mamnuucay Soomaliya

Shirkada DP World oo Laga Mamnuucay Soomaliya
Source: hiiraan

Talaado 13 Maarso 2018 SBS Somali  Melbourne, Australia : Shirkada DP World ee fadhigeedu yahay  magaalada Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta ayaa laga mamnuucay iney kahowlgasho gudaha dalka soomaliya kadib markii Baarlamanka Federalka ay kadoodeen heshiisyo ay horey ula gashay maamulada Puntland & Somaliland kuwaas oo kusaabsanaa Dekedaha Berbera iyo Boosaaso.

DP World ayaa saami dhan 51%  qaadatay halka 19% lasiiyey Dolada Ethiopia 30%  soo hartayna  ay yeelatay Somaliland iyadoo horey bishii April ee sanadkii hore sidaas oo kale heshiis ula gashay Maamulka Puntland Dekedeeda Boosaaso, Mudanayaasha baarlamanka ayaa arintan ka fadhiisteen iyagoo dood dheer kayeeshay sidii laga yeelilahaa Heshiisyada DP World ee Somaliya waxaana ugu dambeyn ay kasoo saareen xeerar caalami ah oo ay ansixiyeen kuwaas oo markii dambe lagu dhawaaqay, DP Worldayaa ayaa loogu baaqay iney dalka aysan ka shaqeynkarin maadaama ay baalmartay shuruucda u degsan dalka.

Ugu dambeyn  Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulahi faramaajo ayaa Qudbadii uu kajeediyey Kala fadhigii 3aad ee Baarlamanka Federalka ee Somaliya ku sheegay in dalkan shirkado iyo wadama shisheeyey aysan heshiisyo caalamai ah kafulinkarin iyagoo aan soo marin hay’adaha dastuuriga ee dalka,  arintaas ayey daba joogtay go’aankii baarlamanka uu  kaga mamnuucay shirkada DP Worldiney kahowlgasho Gayiga Somaliya .

 

 

 


2 min read

Published

By Ibrahim Mohamed

Source: SBS Somali


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now