Maalintii Sabtida ahayd(18 Feburary) ayuu biloowday shir madaxeedkii Midowga Afrika ee 36 aad, isagoo halkudhagu uu ahaa “ dadajinta fulinta xarunta ganacsiga ee xorta ah ee qaarada Afrika” isagoo laba maalmood hawlihiisu ka socdeen xarunta Midowga ee Addis Ababa , lana soo gabagabeeyey Axadii 19 February 2023.
Shirka oo fadhiyo albaabadu u xidhanyihiin lagu galay ayaa waxyaabaha lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa eegida Warbixinta xaalada amaanka iyo degenaanshaha qaarada Afrika iyo hanqaltaaga furida xaruta ganacsiga ee xorta ah ee Afrika, iyo doonida dib u habaynta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Dhacda inadhaha soo jiidatay
Shirka ayaa waxyaabaha isha soo jiitay ee soo if baxay waxaa ka mid ahaa ka caydhintii shirka laga caydhiyey kuxigeenka waaxda Afrika ee wasaarada arimaha dibada ee Israel, iyadoo hogaamineysay wafdi isu diyaariyey ka qaybgalka shirmadaxeedka Midowga Afrika.
Waqtiga la caydhinayey madaxa wafdiga Israel, ayaa waxaa shirka fadhiyey Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Falastiin Maxamed Ibrahim Shtayyeh isagoo kala dhex fadhiyey madaxa Midowga Afrika iyo Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay .
Falcelinta Israel
Dhacdadan ayaa aad uga xanaajisay Israel, iyadoo wasaarada arimaha dibada ee Israel ay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in wafdigooda si kakan loola macaamalay, kuna eedeeyey wadamada Koofur Afrika iyo Aljeeriya in ay ka danbeeyeen talaabadaasi.
Jawaabta Midowga Afrika
Dhinaca kaleete, Midowga Afrika ayaa ku sababeeyeen in masuulada la caydhiyey ayna marti qaad kusoo galin xarunta shirka, sidaa daraadeedna laga cyadhiyey shirka, baadhidna lagu sameynayo qaabka ay kusoo gashay.
Qodabadii ugu mihiimsanaa warmurtiyeedka.
Gabagabada shirka ayaa waxyaabihii warmurtiyeedka lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa :
· Dardargalinta diyaarinta xarunta xorta ah ee ganacsiga Midowga Afrika.
· Hindisaha aamusiinta hubaka si loosoo afjaro loolamada Qaarada Afrika.
· Taageeriyada hanaanka isbadalka dimuqraadiyad.
· Diidada afganbiyada ciidameed, aanan la aqoonsanina nidaamyada sidaas ku yimid.