Sir Mo Farah, oo sheegay in magacan uusan ahayn magiciisa dhabta ah.

Sir Mo Farah, Xidiga oradka dheer caanka ku ah ee Britain - ee asal ahaan Soomaaliga ah- ayaa shaaca ka qaaday in magacan hada uu wato ee uu ku caan baxay in uusan ahayn kiisii dhabta ahaa.

Mo Farah

Sir Mo Farah makes history with a record-setting fourth successive Great North Run title. (AAP) Source: AAP

Xiddigii Orodka Marathon-ka ee dalka Britain, Sir Mo Farah ayaa shaaca ka qaaday in magaciisaas loo yaqaane ee Mo Farah (Maxamed Faarax) uusan ahayn magiciisa dhabta ah, isla markaana uu si sharci darro ah loogu tahriibiyay dalka Ingiriiska isaga oo carruur ah.

Faarax waa orodyahanka oradka dheer waana orodyahanka ugu guulaha badan orodyahanada British-ka ah taariikhda casriga ah ee ciyaaraha Olombikada.

Filim Documentary ah oo ay soo diyaariyeen B-B-C da iyo Istuudiyaha Red Bull, ayaa xiddiga Olombikada waxa uu shaaca ka qaaday in magaca Maxamed Faarax ay u bixiyeen dadkii ka soo duuliyay Jabuuti, isagoo sheegay in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin.

Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu sheekadiisa ka sheekeeyo si uu uga hor tago aragtida guud ee ka ganacsiga iyo addoonsiga dadka, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii Dadka badankoodu waxay ii yaqaanaan Mo Farah, laakiin magacayga ma’aha, saasna ma aha xaqiiqadu. Wax kasta oon horay usheegay, Sheekadu waxay tahay waxaan ku dhashay Somaliland, waqooyiga Soomaaliya, anigoo ah Xuseen Cabdi Kaahin. Waalidkay weligood kuma noolayn UK. Markii aan 4 jir ahaa aabbahay waxaa lagu dilay dagaal sokeeye, qoys ahaan waa nala kala gooyey, si sharci darro ah ayaa la igu soo galiyay UK aniga oo magac ilmo kale leh”.

Sheekadan oo dhameystiran waxaad ka heli kartaa boga BBC News.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand