SKIP TO MAIN CONTENT

Xulka Qaranka Australia ee Kubada Cagta oo usoo gudbay quarter-finalka koobka Asia

Xulka Qaranka Australia ee Kubada Cagta oo usoo gudbay quarter-finalka koobka Asia

Socceroos
Source: Getty Images

1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.



Skip to article content

Xulka Qaranka ee Kubada Cagta ee Australia (Socceroos) ayaa waxa uu usoo baxay (quarter-final)ka, ama ciyaarta afarta kooxood ee  koobka kubada cagta ee Asia ee ka socda wadanka Imaaraadka Carabta, taas oo ay isku wajaheen xulka qaranka ee Uzbekistan.

Ciyaartan oo Isniintii la dheelay ayaa ciyaarta 90 kii daqiiqo ee hore barbar-dhac ku dhamaatay, iyadoo kadibna 30 daqiiqo oo dheeriya oo lagu daray iyadana barbardhac ku dhamaatay, halkaas oo loo gudbay ciyaarta gool-laadka.

Gool hayaha Australia, Mat Ryan, ayaa si xirfad leh uga badbaadiyay shabaqiisa laba gool-laad oo ay ciyaartooyda Uzbekistan la beegsadeen, halka ay Australia afartii laadba ee oogu horaysay dhaliyeen.

Socceroos ayaa semi-finalka  la ciyaari doona maalinta Jamcada ee nagu soo beegan,  Xulka Qarnka ee Imaaraadka Carabta, ahna wadanka koobkan marti galiyey. 


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now