Xulka Qaranka ee Kubada Cagta ee Australia (Socceroos) ayaa waxa uu usoo baxay (quarter-final)ka, ama ciyaarta afarta kooxood ee koobka kubada cagta ee Asia ee ka socda wadanka Imaaraadka Carabta, taas oo ay isku wajaheen xulka qaranka ee Uzbekistan.
Ciyaartan oo Isniintii la dheelay ayaa ciyaarta 90 kii daqiiqo ee hore barbar-dhac ku dhamaatay, iyadoo kadibna 30 daqiiqo oo dheeriya oo lagu daray iyadana barbardhac ku dhamaatay, halkaas oo loo gudbay ciyaarta gool-laadka.
Gool hayaha Australia, Mat Ryan, ayaa si xirfad leh uga badbaadiyay shabaqiisa laba gool-laad oo ay ciyaartooyda Uzbekistan la beegsadeen, halka ay Australia afartii laadba ee oogu horaysay dhaliyeen.
Socceroos ayaa semi-finalka la ciyaari doona maalinta Jamcada ee nagu soo beegan, Xulka Qarnka ee Imaaraadka Carabta, ahna wadanka koobkan marti galiyey.