Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay, u gudbiyay dacwad ka dhana wadanka Imaaraadka Carabta.
Abukar Daahir Cismaan, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobadan, ayaa fadhi Golaha Amaanku uu si gaara oogu gorfaynayay xaalada Soomaaliya, ka jeediyay Khudbada uu kaga hadlay xadgudubyada Shuruucda baalmarsan ee ay Imaaraadku ku hayaan Soomaaliya, taas oo khatar ku ah midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.
Dacwadan ka dhanka ah Imaaraadka ee Danjiruhu uu u gudbiyay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, ayaa ah Heshiiskii sharikada Imaaraadka ee DP World, ay la gashay Somaliland, ee ay saldhiga ciidan ooga dhisaysay magaalada Berbera, iyadoon ayna arintaa Imaaraadku wax wada hadala kala yeelanin dawlada Soomaaliya.
Danjiraha ayaa sheegay in talaabooyinkaasi ay dhaawacayaan midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay jabinayso cunaqabtaynta hubka ee saaran Soomaaliya.