Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE starting June 12 2026

Xolka Qaranka Soomaaliya ee kubada Cagta ee 17 jirka, oo kaalinta labaad ka galay koobkii CEKAFA.

Xolka Qaranka Soomaaliya ee kubada Cagta ee 17 jirka, oo kaalinta labaad ka galay koobkii CEKAFA.

Somali team in CECafa
Source: Radio Muqdisho

Ciyaarihii Xulalka Kubada cagta ee17 jirada, ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, oo soo gabagaboobay,  ayaa xulka qaranka Soomaaliya ay u safteen ciyaarii finalka oo ka dhacaysay  magaalada  Bujumbura ee  dalka Burundi, iyagoo wajahay xulka qaranka ee wadanka Tanzania.

   Xulka qaranka Soomaaliya ayaa ciyaarta gabagabada , ee koobka lagu qaadayay usaftay,  iyagoo ciyaarihii ay soo dheeleen  ay aad raja u galiyeen in ay gabagabadana  raynayaan, kadib markii ay kasoo badiyeen  wadamada  Kenya, Ethiopia, Uganda, iyagoo sidoo kalena ay barbaro noqdeen wadanka Burundi.

  Xulka Qaranka ayaa  waxaa xamaasad dheeraada sii galiyay, kadib wax yar uun ciyaarta gabgabada ka hor markii uu khadka soo galay madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo, isagoo xulka ku dhiira galiyay in ay koobka soo galbiyaan.

Jawiga ciyaarta ayaa ku soo beegmay maalin-roobaad, iyadoo ciyaartu ay u hakatay mudo roob da’ayay awgii, taas oo aad ooga duwanayd jawiga kulaylka ahaa ee ay caadaysteen in ay ku ciyaaraan gudaha wadankooda hooyo Xulka Qaranka ee soo koraya.

  Jawiga roobka ayaa kubada ka dhigay mid aad u culus in la daadaheeyo, iyadoo taasi ay dhintay adeegsiga xarfadihii kubada ee xulka Soomaaliya uu inta badan ku sareeyay, taasoo ka dhigtay mid u baahatay awood dheeraada oo ciyaartooydu ay bixiyaan, sababtuna ay tahay roobkii oo biya dhigay garoonka lagu ciyaarayay.

Ugu danbayntii Xulka Qaranka Tanzania  ayey  usuura gashay in ay ku reeyaan 2-0 ,  halkaana oo ay guusha  ku raacday.

  Qiimayn guud,  dhanka koobka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee kubada Cagta, ayaa la dhihi karaa xulka soo koraya waxa uu soo hoyiyay guul taariikda gashay, wadama badan oo koobka isku wadayna ay ka yaabeen xulka Soomaaliyeed ee da'ada yar, iyadoo tani dhinaca kalena ay raja fiican siinayso mustaqbalka kubada cagta ee Soomaaliya ay ku yeelani doonto heerka qaarada Afrika, heer gobal iyo mid guudba.

 

 

 


2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now