Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Madaxweynaha Soomaaliya oo Tabit Abdi jagadii ka qaaday, Yariisoow-na magacaabay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Tabit Abdi jagadii ka qaaday, Yariisoow-na magacaabay.

Somali President
Source: dadweynaha press

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banadir, ahaana duqa magaalada Xamar Taabit Cabdi Maxamed.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo maalintii Axada ahayd 21/01/2018, ayaa waxa uu jagadii ooga qaaday Tabit, isagoo gudoomiyaha gobalka Banaadir, iyo duqa Xamar u magacaabay Wasiirkii Warfaafinta ee Xukuumada Kheyre/ Cabdiraxmaan Cumar Cisman (Eng. Yariisoow.

Casilaadan ayaa la sheegay in ay salka ku haysay khilaaf soo kala dhex galay Taabit Cabdi Mohamed, iyo madaxtooyada Soomaaliya, oo mudo socday.

Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu magacaabay ku xigeeno dhawra iyo xoghayaha guud ee Gobalka Banadir.


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now