Masuuliin Soomali ah oo loo diiday in ay Kenya galaan, dibna loogu celiyey Muqdisho.

Masuuliin Soomali ah oo loo diiday in ay Kenya galaan, dibna loogu celiyey Muqdisho.

International Jomo Kenyatta Airport

Source: Daily Nation

Madax ka tirsan dawlada Federalka ee Soomaaliya ayaa lagu xanibay  gagida diyaaradaha ee Kenya , Jomo  Kenyatta, kadib markii loo diiday in airportka gudihiisa laga siiyo visaha dal ku galilda.

Sida uu soo daabacay wargeyska Daily Nation ee Kenya kasoo baxa, Masuuliintan xanibaadu ku dhacday ayaa la xaqiijiyay  in uu ka mid ahaa Wasiir-kuxigeenka wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cisman Libaax Ibrahim, xildhibaanad Zamzam Dahir iyo Xildhibaan Ilyas Ali Hassan.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaa in uu jiray masuul kale oo heer wasiira oo xanibaadu qabsan gaadhay, balse ka fakaday kadib markii uu lasoo baxay baasaboor ajnabi ah.

Masuuliintan ayaa la xaqiijiyay in ay dib oogu laabteen Muqdisho kadib xanibaad qaadatay waqti, iyagoo lala sugayay diyaarad dib oogu celisa Muqdisho.

Dawlada Kenya ayaa dhankeeda ku macnaysay - xanibaadan diblamaasiyiinta Soomaalida – kaliya in ay aheyd in ayna wadanin visaha dal ku galka, kaasoo ay aheyd in ay kasoo qaataan safaarada Kenya ee Muqdisho, balse ayna dhincin taas.

Dhanka dawlada Soomaalida ayaa jawaabaha kasoo baxaya ay tusayaan in ayna jirin wax digniin hora ah oo la siiyay dhanka ku saabsan visaha laga soo qaadanayo safaarada Kenya ee Soomaaliya ku taala.

Qaar ka mida dhinacyada xog-ogaalka u ah xidhiidhka dublamaasiyadeed ee labada wadan, ayaa waxay qeexayaan in ay jirto xiisad mudaba socotay, taas oo soo bilaabatay bishii February ee lasoo dhaafay markii Kenya ay safiirkeeda Soomaaliya fadhiya u yeedhatay, safiirkii Soomaaliyana ay amartay in wadanka uu ka baxo.

Sidoo kale talaabada xigtay ayaa waxa ay ahayd in Kenya ay u leexisay diyaaradihii Soomaaliya ka imaanayay ee sida tooska ah Nairobi ooga dagayay in ay ku leexisay magaalada Wajir, tan oo waqti hore Kenya ay ka dhaaftay Soomaalida.

Xeeldheerayaasha dhanka siyaasada ayaa cadeeynaya in arimahani ay yihiin kuwa lug ku leh khilaafka dhanka bada ee Soomalia iyo Kenya u dhexeeya, ee maxkamada horyaala, go’aan kasoo baxana loo tooga hayo.

Kenya ayaa dhankeeda aad isugu day u samaysay in laga fursado maxkamadaas, badlkeedana labada wadan xalal kale ay raadiyaan, balse dawlada Soomaliya ayaan arinkaas soo dhawaynin, kuna adkeysatay in lagu kala baxo maxkamada Aduunka.

Tan iyo waqtigaas, labada wadan dareen la’aan ma ahayn hadba dhan ay ka timaadaba, waxaana la xasuustaa in ay jireen kulama dhawra oo madaxda u sareeysa labada wadan ay kulmeen balse u muuqday in aan khilaafka bada wax isu soo dhawaansha ah laga gaadhin.

 


Share

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Masuuliin Soomali ah oo loo diiday in ay Kenya galaan, dibna loogu celiyey Muqdisho. | SBS Somali