Soomaaliya oo labo daran mid dooro ku jirta.

Culayska lagu saarayo inay xiriirka u goyso Qatar ayaa sii kordhaya iyadoo Soomaaliya aysan awoodin inay ka caraysiiso Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo dhaqaalaha Soomaaliya aad ugu tiirsan yahay.

New Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo celebrates winning the election and taking office in Mogadishu, Somalia Wednesday, Feb. 8, 2017.

New Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo celebrates winning the election and taking office in Mogadishu, Somalia Wednesday, Feb. 8, 2017. Source: AAP

Khilaafka soo kala dhexgalay dalalka Khaliijka ayaa ah mid aan noociisa oo kale hore loo arag wuxuuna saamayn wayn ku yeeshay gobolka, dunida muslimka iyo caalamka intiisa kale.

Go'aanka ay dalal ay Sacuudigu hogaamiso ku gaareen in xiriirka loo jaro Qatar iyagoo ku eedeeyay inay taageerto ururo iyo shaqsiyaad argagixiso ku xiran eedahaas oo ay Qatar ku sheegtay kuwo aysan waxba ka jirin.

Shacab badan oo muslimiinta caalamka ayaan la yaabin in xiriirka dalalkaas kala go'o iyadoo ay jireen mudo sanado ah xiisado kasii darayay oo ka dhashay kacdoonkii carabta ee 2011 oo Qatar taageertay halka dalalka kale ee gacanku ay kasoo horjeedeen.

Sharuudaha ay Sacuudiga iyo xulafadiisu ku xireen Qatar si xiriirka loosoo celiyo waxaa ka mid ahaa inay Qatar ay xiriirka u jarto kooxda Xamaas ee Falastiniyiinta iyo Ikhwaanu Muslimiinta Masar iyadoo jawaabta ay Qatar ka bixisay ahayd inaan cidna u yeerinkarin siyaasadeeda arimaha dibada.

Sidee u saamysay dawlada cusub ee Soomaaliya?

Dawlada Soomaaliya ayaa sidii khilaafkan u bilowday ku adkaysatay inay dhexdhexaad ka ahaandoonto khilaafka iyadoo ugu baaqday dhinacyada ishaysta inay xaliyaan khilaafkooda.

Waxaa jira culaysyo uga yimid Soomaaliya dhinaca Sacuudiga iyo Imaaradka oo Soomaaliya dhaqaale ahaan saamayn wayn ku leh.

Sacuudiga ayaa qaata xoolaha ugu badan ee Soomaaliya dhoofiso taasoo dhaqaale badan kasoo galo Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa dhanka kale u tababartay ciidan badan oo Soomaaliya iyadoo mushaarka iyo agabka ciidanka bixisa.

Qatar ayaa dhankeeda ku amaantay Soomaaliya sida ay dhexdhexaad uga noqotay khilaafkan.

Soomaali badan ayaa ku raacsan dawlada Soomaaliya go'aanka ay arintan ka qaadatay iyagoo leh waa mide khilaafkan anaga nama quseeyo tan kale qaar badan ayaa u arka sida ay Sacuudiga iyo Imaaraadku ugu degdegeen cunaqabatayn aan meel dayin oo ay bisha Ramadaan saareen dalka walaalohooda oo ay dariska yihiin.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Sacuudigu u balanqaaday Soomaaliya lacag gaaraysa 80 Malayn oo doolar haddii ay xiriirka u jarto Qatar balse ay dawlada Soomaaliya diiday arintaas.

Dhanka kale culayska dawlada Soomaaliya saaran ayaa ah in Qatar ay taageero ka helayso Turkey oo Soomaaliya xiriir fiican la leh aadna  Soomaalida usoo caawisay waqti aduunka intiisa kale ay kasii jeesteen.

Dawlada Soomaaliya ayaa ku jirta labo daran mid dooro iyadoo laba dhinacba aysan doonayan inay ku balanfurto una baahan dhaqaalaha ay siiyaan iyo xiriirka ay la leedahay.

 


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand