South Australia imposes new COVID-19 restrictions as virus flares interstate

The new measures follow South Australia's move on Sunday to close its border to Queensland, WA, the NT and the ACT after previously locking out travellers from NSW.

South Australian Premier Steven Marshall.

South Australian Premier Steven Marshall. Source: AAP

South Australia ayaa soo rogtay xanibaado kala duwan oo looga jawaabayo kaysaska Covid-19 ee dalka oo dhan ku sii kordhay.

Laga bilaabo caawa habeen barkii Isniinta waxaa qasab ah in dadku xirtaan afduubkan (mask) marka qofku joogo goobaha qatarta badani ka jirta in xanuunku ka fido sida xarumaha dadka waayeelka lagu hayo, cisbitaalada iyo gaadiidka dadweynaha.

Dadka ku sugan kafeeyadka, baarark, maqaayadaha  halka goobaha gaarka loo leeyahay ee gaarka loo leeyahay lagu ekeeyo 150 qof.

Dadka ku cuntayna goobo gudaha waa inay fadhiyaan.
Premier Steven Marshall ayaa sheegay inuu rajaynayo in awaamiirtan cusub loo baahdo oo kaliya hal asbuuc oo kaliya.

Laakiin wuxuu intaa ku daray in dawladiisu ku qasbanayd inay si degdeg ah uga jawaabto qatarta ka iman karta faafka COVID-19 nooca Delta.

"Marka la fiiriyo noocan Delta ee aadka u faafa, dariiq kale ee noo banaan ka ma jiro oo aan ka hayn in talaabo ka hortag ah la qaado si South Australia amaan looga dhigay," ayuu yiri Mr Marshal.

"Waa inaan aad u feejignaano waqtiga hadda la joogo."
Talaabada ayaa imanaysa iyadoo SA ay Axadii xirtay xadka ay la leedahay gobolada Queensland, WA, ACT iyo NT kadib markay hore uga xadkeeda NSW.

Madaxa caafimaadka SA Nicola Spurrier ayaa sheegtay in xanibaadaha cusub iyo sharuucdan la isku dayayo in loo miisaamo qatarta caafimaad, dhaqaalaha iyo saamaynta bulshada.

Waxay sheegtay inaysan jirin kaysas cusub oo laga diiwaan galiyay SA maanta oo Isniin ah iyadoo dhamaan 29 macdan qodayaal ka yimid NW oo laga baqayay in caabuqu ka dhaco, laga waayay xanuunka.
Shaqaalahan ayaa ka mid ahaa 900 oo qof oo shaqada u duula oo dhawaan ka soo tagay goobta macdanta laga qodo ee Woqooyiga Alice Springs oo hal qof laga helay COVID-19 todobaadkii la soo dhaafay.

6 kays ayaa hadda lala xariirinayaa goobta macdanta laga qodo oo ay ku jiraan 3 qof oo reer Darwin ah.

Wasaarada caafimaadka South Australia ayaa sheegtay in macdan qodayaashan iyo qoysaskooda la karantiilay.


Share

Published

Source: AAP, SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand