Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

South Sudanese Community condemn recent incident.

An African community leaders speaks to the media.
Melbourne's African community leaders (file) say political furore over youth crime is not helping. (AAP) Source: AAP

Jaaliyada Koofurta Sudan ayaa canbaaraysay dhalinyaro dhagxaan tuurtay oo qasaaro u gaysatay gaari boolisku leeyahay waqti iska horimaad ka dhacay xaafad ku taal woqooyiga Galbeed Melbourne.

Dhalinyaro Koofurta Sudan kasoo jeeda ayaa isugu yeertay xaafada Taylors Lake si ay u dagaalamaan ka hor intaan boolisku soo faragalin oo uusan kala dirin.

 Maker Mayek oo jaaliyada ka tirsan ayaa Sky News u sheegay in dhibaatada aysan wadan dhamaan bulshada Africanku ee ay yihiin dhalinyaro xoogaa ah oo ka tirsan bulsho waynta Africanka ah.

"Waxay ahayd dhacdo laga xumaado, jaaliya ahaana qiil uma samaynayno. Waa dhacdo hadalhaynteedu sii kordhayso mana u fiicna jaaliyada marka waan ka xunahay waana canbaaraynaynaa mana aha in cidna dareento amaan darro" ayuu yiri maker Mayek.

 


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now