Jaaliyada Koofurta Sudan ayaa canbaaraysay dhalinyaro dhagxaan tuurtay oo qasaaro u gaysatay gaari boolisku leeyahay waqti iska horimaad ka dhacay xaafad ku taal woqooyiga Galbeed Melbourne.
Dhalinyaro Koofurta Sudan kasoo jeeda ayaa isugu yeertay xaafada Taylors Lake si ay u dagaalamaan ka hor intaan boolisku soo faragalin oo uusan kala dirin.
Maker Mayek oo jaaliyada ka tirsan ayaa Sky News u sheegay in dhibaatada aysan wadan dhamaan bulshada Africanku ee ay yihiin dhalinyaro xoogaa ah oo ka tirsan bulsho waynta Africanka ah.
"Waxay ahayd dhacdo laga xumaado, jaaliya ahaana qiil uma samaynayno. Waa dhacdo hadalhaynteedu sii kordhayso mana u fiicna jaaliyada marka waan ka xunahay waana canbaaraynaynaa mana aha in cidna dareento amaan darro" ayuu yiri maker Mayek.