Wadanka Suudaan ayaa mudooyinkan danbe waxaa ka socday banaanbaxyo looga soo horjeedo maamulka madaxweyne Cumar Albashiir, taas oo isa soo taraysay maalmihii nadhaafay.
Dadka banaabaxyada dhigaya ayaa waxa ay ka gadoodeen xaalada dhaqaale ee wadanku uu marayo, oo saamaysay nolol maalmeedka shacabka wadanka Suudaan, dhamaan gobaladiisa.
Dowladu dhankeeda waxa ay qirtay in ay jirto dhibaatooyin dhaqaale, oo ay haatan ku guda jirto sidii xalkeed loo heli lahaa, balse isla markaas waxa ay dowlada Suudaan sheegaysaa in ay jirto faragalin siyaasadeed oo dhinacyo ayna magacaabin ay ku hayaan Suudaan, iyadoo dowladu ay sabab ooga dhigayso kacdoonadan dadweynaha in ay ka danbeeyaan dhinacyo aan suudaan la rabin nabad iyo degenaansho.
Madaxweyne Cumar Albashiir ayaa sheegay – isagoo la hadlaya dadweyne isu soo baxay oo dowlada taageersan – in xukuumadiisa aan banaanbaxyo lagu badali doonin, ee doorasho lagu badali karo.
Sidoo kale waxa uu oogu yeedhay dhalinta banaan baxaysa in ayna wadanka burburinin, isagoo sheegay in wadanku uu yahay mustaqbalkooda, ayna yihiin kuwa dhaxli doona mustaqbalka talada wadanka.
Banaanbaxyada kasoo horjeeda xukuumada Albashiir, iyo kuwa loogu jawaabayo ee taageersan Albshiiir ayaan la odorasi Karin halka ay ku danbayni doonaan, iyada oo ay sii hurinayso xaalada nolasha dadweynaha oo saamayn weyni ku yeelatay hoos u dhaca dhaqaale ee wadanku uu galay, kaasoo dawaldu laf ahaanteedu ay qirsantahay in ay jirt