Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Dawlada Suudaan oo u diyaar garoobaysa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xuduudkeeda bari ka jira.

Dawlada Suudaan oo u diyaar garoobaysa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xuduudkeeda bari ka jira.

Sudan & Ethiopian's foreign affairs'
Source: Aljazeera net

Wasiirka arimaha dibada ee wadanka Suudaan Ibrahim Alganduur, ayaa sheegay in wadankiisu uu isu diyaarinayo  dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda xuduuka bari ee wadankiisa, isagoo sheegay in Suudaan ay hayso cadaymo khuseeya arimahaas, waqtiga ku haboona ay soo  bandhigi doonto.

Alganduur, oo kulan kula lahaa Khartuum maalinkii Axada ahayd (14/01/2018) wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya Workneh Gebeyehu, ayaa cadeeyay, in uusan ka hadlaynin wax khatara oo ay dawlad gaar ahi ku hayso dalkiisa, basle waxa uu sheegay in ay jiraan dhinacyo doonaya in ay waxyeeleeyaan amaanka Suudaan.

Dawlada Suudaan ayaa mar hore xidhay xuduudka ay la leedahay Eretria, ahna xuduudkeeda bari, iyadoo sheegtay in ay jiraan, abaabula ciidan oo dhanka Eretria ka socda.

Dawlada Suudaan ayaa sidoo kale mar hore sheegtay, in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay si wada jira Masar iyo Eretria ay ooga wadaan xuduudka bari ee Suudan, iyada oo xuduudkeedii xidhatay,  ciidama dheeraadana soo dhoobtay gobalka Kassala, xaalad degdegana goobahaas kaga dhawaaqday.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now