suspected I-S terrorist arrested near Gallipoli

A pair draped with an Australian flag, participate in the Dawn Service ceremony at the Anzac Cove beach in Gallipoli, Turkey.

A pair draped with an Australian flag, participate in the Dawn Service ceremony at the Anzac Cove beach in Gallipoli, Turkey. Source: AAP

Xuska Anzac Day ee lagu qabto Gallipoli oo Turkey ku taal ayaa sidii caadiga ahayd u dhacday inkastoo la qabtay nin looga shakiyay inuu ka tirsan yahay argagixasada IS iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo inuu maleegayay weerar lagu qaado goobta xusku ka dhacayo.

Nin la qabtay oo ah 25 jir Suuriyaan oo lagu magacaabay  Abdulkarim Hilef, ayay maamulayaasha Turkey ku xireen meel aan ka fogayn gacanka Gallipoli ee dalka Turkey.

Kumanaan Australian iyo New Zealand ayaa ka qaybgala xaladan xuska ah sanad kasta waxaana sanadkan lagu wadaa inuu ka qaybgalo madaxa ciidanka qalabka sida ee Australia Angus Campbell.

Wasaarada arimaha dibada Australia ayaa sheegtay in xariga ninkan ay tahay arin u taala maamulayaasha Turkey inkastoo maamulayaasha Australia iyo New Zealand ay xiriir joogta ah la leeyihiin kuwa Turkey.

Madaxa madxafyada dagaalka Australia Brendan Nelson ayaa Sky News u sheegay in dadka looga baahan yahay inay howl maalmeedkooda sidii caadiga ahayd u wataan inkastoo ay jiraan qatar ka imanaysa xagjiriinta.

(("Nasiibdaro waxaan ku nool nahay aduunyo dadka meeshay doonaanba ha joogeen, meeshay doonaba ha kasoo jeedeen, diintay doonaana ha haysteene kuwooda xagjirka ay doonayaan inay carqaleeyaan wax kasta oo aan samaynayno. Marka tan ugu muhiimsan waa inaan nolsheena si caadiya u wadano."))

Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay inaysan jirin xiriir cad oo u dhexeeya xariga ninka lagu qabtay Turkey iyo qorshe ay dhici karto in lagu carqaladeeyo xuska ANZAC ee Gallipoli.

Tan ayaa imanaysa iyadoo Turkey ay ka mamnuucday muwaadiniinteedu inay ka qaybgalaan xaflada xuska ANZAC ee ka dhacaysa Gallipoli.

Mr Morrison ayaa ku booriyay inaan laga badbadin xiriirka ay dhici karto inuu u dhexeeyo xariga ninkan iyo qatar kusoo fool lahayd xaflada xuska.

(("Wararka aan helayno ma ah kuwo cadaynaya xiriir ka dhexeeya xariga ninkan iyo qorshe ku aadan Gallipoli."))


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
suspected I-S terrorist arrested near Gallipoli | SBS Somali