Dalka Liibya ayaa weli ku xaniban Boqolaal Somali ah oo Muhaajiriin ahi kuwaas oo ujeedkooda ahaa iney u socdaalaan Dalalka Yurub, Sanadihii dambe ayaa wadankaas waxaa xabsiyada aad uga buuxay Somali farabadan qaarkoodna ay sheegeen jirdil loogu geystay xabsiga halka kuwo kalena adoonsinimo loogu iibsaday . Dhawaan ayey aheyd markii dowlada somaliya ay bilawday iney soo daabusho dadka ku xaniban xabsiyada dalka Liibya iyadoo halkaasi uu gaaray Safiirka Somalia u fadhiya wadamada midowga Yurub Amb. Fiqi isagoo soo musaafuriyey dufcadii ugu horeysay ilaa 11qof oo isugu jiray haween, dhalinyaro, caruur iyo dad waaweyn markii ay soo gaareen dadkaasi magaalada muqdisho ayey dareenkooda lawadaageen warbaahinta somlaida iyo kuwa caalamkaba.
Amb. Fiqi ayaa baaq u diray somalida kudhuumaaleysanaysa dalka liibya ee Tahriibkana aan awoodin hadii ay diyaar uyihiin iney dalkooda ku laabtaan in dib ay dowlada ugu sahlayso ambabixintooda waxaana lasheegayaa iney isqorayaan somali badan oo doonaysa iney dalka dib ugu soolaabtaan.
Dalka liibya oo ah halka ay Muhaajiriin badan oo Afrikan iyo Asianba ay uga talaabaan wadamada galbeedka ayaa hadana Kumanaan kun oo qof ku dhinta bada u dhaxeysa liibya iyo Talyaaniga waxaana dadkaasi kamid ah Somali kasoo haajirtay dalkooda Hooyo.
Hayada Qaramadamidoobe ee Ee dhanka Socdaalka u qaabilsan (IOM) waxa ay shegtay in mudooyinkii ugu dambeeyey uu dalkaasi kajiray adoonsi in dadka madowga ah ee somaliduna ay kamid tahaya lakala iibsanayo,
Maxamed cabdiraxmanaa ayaa kamid ah dadka adoonsinimo loo iibsaday mudo kabadan Seddax Jeer laakiin hada kasoo baxsaday waxana uu ku suganyahay Dalka Somaliya waxa uu kamid ahaa dufcadii ugu horeysay ee maxaabiista somalida laga soo qaaday Dalka Liibya.