Shixnadii ugu horaysay ee talaalka PFizer ayaa si rasmi ah looga soo dejiyay garoonka diyaarada ee Sydney iyadoo amaanka talaalka la sugayay.
Wajiga koowaad ee talaalk ayaa ku bilaaban doona 80 kun oo talaal oo dadka lagu duri doono 22 bishan Febaraayo.
Wasiirka Caafimaadka Australia Greg Hunt ayaa sheegay in 142,000 la keenay maanta amaankooda iyo tayadoodana la sugi doono.
Shaqaalaha karantiilka iyo kuwa safka hore ee caafimaadk ayaa mudnaanta koowaad la siindoona iyadoo 30 kun oo xabo loo qoondeeyay xarumaha dadka waayeelka ah lagu hayo.
Victoria waxaa laga diiwaan galiyay labo kays oo Covid-19 ah iyadoo 25,144 oo qof ay iska baareen xanuunka 24 saacadood ee u danbeeyay. Kaysaska midkood waa qof bulshada ku dhex nool halka kan kale uu yahay qof hoteel ku karantiilan
Australia waxay hakisay dadka ka soo dhoofa New Zealand in laga dhaafo karantiilka taas oo mecneheedu yahay in hadda wixii ka danbeeyaya ay ku qasban yihiin 14 maalmood iskarantiilaan.
Tan ayaa imanaysa kadib 3 kays oo laga helay magaalada Auckland.