Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Talaalka COVID-19 oo Australia la keenay.

Vaccines storage Australia.

Deputy PM Michael McCormack, Minister for Regional Health Mark Coulton and DHL Australia CEO inspect fridges used to store Covid-19 vaccines in Sydney, Source: AAP Image/Joel Carrett.

Shixnadii ugu horaysay ee talaalka PFizer ayaa si rasmi ah looga soo dejiyay garoonka diyaarada ee Sydney iyadoo amaanka talaalka la sugayay.

Wajiga koowaad ee talaalk ayaa ku bilaaban doona 80 kun oo talaal oo dadka lagu duri doono 22 bishan Febaraayo.

Wasiirka Caafimaadka Australia Greg Hunt ayaa sheegay in 142,000 la keenay maanta amaankooda iyo tayadoodana la sugi doono.

Shaqaalaha karantiilka iyo kuwa safka hore ee caafimaadk ayaa mudnaanta koowaad la siindoona iyadoo 30 kun oo xabo loo qoondeeyay xarumaha dadka waayeelka ah lagu hayo.

Victoria waxaa laga diiwaan galiyay labo kays oo Covid-19 ah iyadoo 25,144 oo qof ay iska baareen xanuunka 24 saacadood ee u danbeeyay. Kaysaska midkood waa qof bulshada ku dhex nool halka kan kale uu yahay qof hoteel ku karantiilan

Australia waxay hakisay dadka ka soo dhoofa New Zealand in laga dhaafo karantiilka taas oo mecneheedu yahay in hadda wixii ka danbeeyaya ay ku qasban yihiin 14 maalmood iskarantiilaan.

Tan ayaa imanaysa kadib 3 kays oo laga helay magaalada Auckland.

 

 

 


1 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now