Hay'adda maamusha daawooyinka ee dalka Australia ee loo soo gaabiyo TGA ayaa siisay ogolaansho ku meel gaar ah talaalka coronavirus ee shirkada PFizer. Waxaa qaadan kara talaalka dadka da'doodu ka wayn tahay 16 sano.
TGA ayaa sheegtay in talaalkan uu buuxiyay sharuudaha ay ka mid yihiin inuu amaan yahay oo uusan dadka lagu duro waxyeelo u gaysanayn iyo inuu wax tar yahay oo uu ka difaaci karo dadka qaata xanuunka COVID-19.
Ansixinta talaalka PFizer ayaa macnihiisu yahay in talaalka si sharciyan ah dalka loo keeno ayna wadada u furayso in dalka laga hirgaliyo barnaamuj balaaran oo shacabka lagu talaalayo ah bisha soo socota.
Talaalka PFizer ayaa ka mid ah 3 shirkadood oo ay dawlada Australia heshiis kula gashay inay talaal ka hesho marka la ansixiyo.
Dawlada ayaa hadda wada qorshe balaaran oo dadka lagu talaalayo iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo dadka waayeelka ah iyo kuwa u nugul xanuunka oo qaba xanuuno kale.
Macluumaad dheeraad ah halkan ka aqriso: