Talaalka oo si rami ah uga bilowday Australia.

Wasiirka Caafimaadka Dawlada Federalka Australia  Greg Hunt ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah ay maalin rajo leh maadaama la bilaabay wajigii ugu horeeyay talaalka COVID-19 oo dalka oo dhan ka la gaarsiiyay.

Isagoo ka hadlaya xarun talaal oo ku dhex taal cisbitaalka Canberra ayuu Mr Hunt sheegay in Australia ay ku dhaqaaqday talaabo kale oo lagula dagaalamayo caabuqa coronavirus.

"Maanta wax aad halkan ka aragtaan ee ka socda Canberra ayaa ka dhacaya gobolada oo dhan. Maddie iyo Nicoletta, oo labaduba ah kalkaaliyaal caafimaad ayaa midkoodna la talaalayaa maadaama ay ka mid tahay shaqaalaha safka hore, midna ay wax talaalaysaa maadaama ay tahay shaqaalaha safka hore, labadooduna waa geesiyaal Australian ah," ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale dad xasuusiyay in la sii wado qaababka looga amaan galo COVID-19 sida in la kala durko, gacmaha la dhaqdo inta qaybinta talaalku socdo, isagoo intaa ku daray inaan wali la ogayn in talaalku saamaynayo isu gudbinta caabuqa iyo waqtiga ay qaadanayso inuu qofka jirkiisa ku jirayo oo ka difaacayo caabuqa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dawladu ay eegayso inay kordhin karto dadka ay qaado xarunta dadka dibadda ka yimaada ee lagu karantiilo ee Howard Springs oo NT.

Dawlada ayaa ku talo jirta inay talaasho 60 kun oo shaqaalaha safka hore, kuwa dadka waayeelka iyo naafada la shaqeeya todobaadkan.

Gobolada kala duwa ee dalkan waxaa laga bilaabay in dadka lagu duro talaalka PFizer.

Dawlad goboleedyada ayaa masuul ka ah inay talaalaan shaqaalaga safka hore halka dawlada federalku qaabilsan tahay talaalida dadka deggan goobaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka iyo kuwa naafada ah.

Gayathry Vellangalloor Srinivasan oo ka tirsan shaqaalaha safka hore ayaa sheegtay inay sharaf u tahay inay noqotay qofkii ugu horeeyay oo lagu talaalo NSW.

"Talaalku wax wayn ayuu qofkasta u yahay. Macneheedu waa in aan dhamaanteen dib ugu noqon karno noloshii caadiga ahayd."


SBS waxay soo saartay muuqaal ku turjuman in ka badan 60 luqadood oo uu ku jiro luqada dadka dhagaha la' ay ku xiriiraan, muuqaaladan ayaa looga dan leeyahay in lagu wacyi galiyo bulshooyin qorshaha qaybinta talaalka COVID-19, sida talaalka u shaqeeyo iyo sida looga ansixiyay Australia.

Muuqaalkan ayaa lagu sharaxayaa wajiyada kala duwan ee Australia ku qaybinayso talaalka, gaar ahaan sida shaqaalaha iyo da'da dadka loogu kala hor marinayo.

Waxaa sidoo kale lagu qeexayaa halka laga helayo iyo cida lacag la'aanta ku helaysa.

Macluumaad dheeraad ah booqo: www.sbs.com.au/language/coronavirus


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand