Talibanka Afganistan ayaa aqbalay inay ka qaybgalayaan wadahadalka nabada Afganistan oo lagu qabandoono Ruushka.
Taliye ka tirsan Talibaanka ayaa sheegay in 4 xubnahooda sare ka tirsan oo uu hogaaminayo madaxa xafiiska siyaasada ay ka qayb galidoonaan shirkan oo dhicidoona 4 bisha Sebtember.
Dawlada Afghanistan ayaa aragtideeda badashay kadib dadaalo lagu doonayo wadahadalo.
Maqnaansha Talibaanka ayaa caqabad ku noqon lahaa qorshaha wadahadalka inkastoo ay saraakiisha Afganistan sheegeen inay toos ula hadlayaan kooxdan islaamiistaha ah.
Boqolaal ayay Talibaanku ku dileen weeraro ay qaadeen asbuucyadii u danbeeyay iyadoo Ruushku dafirtay eedo ay NATO usoo jeedisay oo ahaa inay Ruushku hubeeyo Talibanka.
Talibanka ayaa sheegay inay sii wadidoonaan dagaalka inkastoo ay dawlada Afganistan ku dhawaaqday xabad joojin bilowgii asbuuca.