Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa la siiyay warbixin ku aaddan in RW ka horeeyay Scott Morrison uu sharci jabiyay markuu si qarsoodi ah u qaaday xilka 5 wasaaradood.
Mr Albanese ayaa sheegay inuu la wadaagidoono taladda la siiyay golaha wasiirada ka hor inta uusan bablig ka dhigin. Arintan ayaa dhalisay su'aalo badan oo la xariira kalsoonida dadku ku qabaan siyaasada dalka.
Arinta wasiirada qarsoon ayaa ruxday siyaasada dalka mudo todobaad ah, laakiin wali waxyaalo badan ayaa la ogayn isu magacaabida 5 wasaaradood ee Mr Morrison, gaar ahaan arinta inay sharci ahayd iyo in kale.
RW Anthony Albanese ayaa sheegay in shacabka uu la wadaagidoono maanta oo Talaado ah.
Dad waynaha ayaan la wadaagidoonaa. Waxaan balanqaadayaa in qof walba fursad u helidoono inuu arko tallada nala siiyay.
Mr Albanese ayaa xaqiijiyay in xafiiskiisu helay talo ku aaddan arinta maalintii Isniinta ahayd.
Arintan ayaa dhalisay baaqyo lagu doonayo in baaritaan lagu sameeyo sida wax u dhaceen, waxaan ka mid ah dadka baaqyadaas wada hogaamiyaha xisbiga Greenka Adam Bandt oo ABC u sheegay.
Qaar ka mid ah su'aalaha waaweyn ee la is waydiinayo waa in jawaab loo helo sababtoo ah waa su'aal asaas u ah aamiinaada siyaasiyiinta.