Macalimiinta gobolka Victoria ayaa loo balanqaaday in la siinayo lacag gaaraysa 50 kun oo doolar oo dheeraad ah haddii ay u guuraan oo wax ka dhigaan iskuulaada ku yaal dhulalka baadiyada gobolka ee ay macalin la'aanta baahsan ka jirto.
Dawlada Victoria ayaa barnaamujkan u qoondaysay sanduuq lacageed oo gaaraya 45.2 malyan oo doolar. Macalimiinta diyaarka u noqota inay u guraan iskuulada macalin yaridu hayso ayaa sidoo kale la siinayaa 9 kun oo doolar oo dheeraad ah sanadkasta oo ay sii joogaan iskuuladaas.
Wasiirka waxbarashada Victoria James Merlino ayaa sheegay in arintan looga danleeyahay sidii loo xaqiijin lahaa in dhamaan caruuta meeshay doonaanba ha ku noolaadeene ay helaan waxbarasho tayo leh.
Ku dhawaad 13 malyn oo doolar ayaa sidoo kale loo qoondeeyay in iskuulada oo la shaqaynaya quburo wax looga qabto ardayd wax barashadoodu hoosayso.