Teachers offered up to $50,000 to move to rural schools.

Si macalimiin loogu helo iskuulada ku yaal dhulaalka fogfog ee Victoria dawlad ayaa qarash badan ku bixinysa

Macalimiinta gobolka Victoria ayaa loo balanqaaday in la siinayo lacag gaaraysa 50 kun oo doolar oo dheeraad ah  haddii ay u guuraan oo wax ka dhigaan iskuulaada ku yaal dhulalka baadiyada gobolka ee ay macalin la'aanta baahsan ka jirto.

Dawlada Victoria ayaa barnaamujkan u qoondaysay sanduuq lacageed oo gaaraya 45.2 malyan oo doolar. Macalimiinta diyaarka u noqota inay u guraan  iskuulada macalin yaridu hayso ayaa sidoo kale la siinayaa 9 kun oo doolar oo dheeraad ah sanadkasta oo ay sii joogaan iskuuladaas.

Wasiirka waxbarashada Victoria  James Merlino ayaa sheegay in arintan looga danleeyahay sidii loo xaqiijin lahaa in dhamaan caruuta meeshay doonaanba ha ku noolaadeene ay helaan waxbarasho tayo leh.

Ku dhawaad 13 malyn oo doolar ayaa sidoo kale loo qoondeeyay in iskuulada oo la shaqaynaya quburo wax looga qabto ardayd wax barashadoodi hoosayso.

 


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Teachers offered up to $50,000 to move to rural schools. | SBS Somali