Shir madaxeedkii 29aad ee Jaamacada Carabta ayaa lagu soo gabagabeeyay Axadii 15/04/2015, magaalada Dammaam, ee Dalka Sucuudiga, iyadoo shirkii gogal xaadhka ahaa ee wasiirada arimaha dibada ee dalalka carbta uu dhacay khamiistii 12/04/2018.
Shirkan oo qabsoomay maalintii xigtay weerarkii sadex geesoodka ahaa ee Maraykanka, Britain iyo France, ay gantaalada la beegsadeen gooba kamida wadanka siiriya, ayaa marka laga reebo khudbadaha madaxda qaar, aanan lagu darin arinta weerarkaas ajandaha shirka.
Shirkan dalalka Jaamacada Carabta, ayaa ku soo beegmay xili xasaasi ah, marka laga eego khilaafyada wadamada carbeed u dhexeeya oo xaalad adag maraya, iyadoo Khilaafkii Khaliijku uu oogu weyn yahay, taasina ay saamaysan shirka go’aamadiisa.
Wasiirka arimaha dibada ee Sucuudiga Caadil Aljubayr, ayaa sheegay in khilaafa Khaliijka aan lagu soo qaadi doonin shir-madaxeedka Carabta, isagoo sheegay in dhibaatadan xalkeeda lagu baadhi doono heerka Gacanka Carbeed.
Soomaaliya ayaa sidoo kale Khilaafkaas khaliijku uu si aada u saameeyay, iyadoo haatan galisay xidhiidhka rasmiga ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, xaalad adag, kadib markii maalin dhawayto la qabtay diyaarad Imaaraadka laga lahaa oo waday 9.6 million oo doolar, lacagtaas oo Imaaraadku ay sheegeen in ay mushaaraad ciidan ahayd, kadibna lacagtaas ay dawlada Soomaaliya la wareegtay, iyadoo baadhitaano kula maqan.
Shirkan ayaa lasoo gabababeeyay isla axadii, isagoo sida la sheegay xaaladaha khilaafaadka ee aadka u batay carabta dhaxdeeda, iyo kala ra’ayi duwanaanshaha siyaasadeed ee carabta dhaxdeeda ah , ay keentay in arima badan oo mihiim ahaa in aan laga wada xaajoon.
Midawga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta, ayaa dhankooda oogu yeedhay Shir Madaxeedka Carabta in ay hogaamiyaalka carabtu soo afjaraan khilaafaadkooda u dhexeeya, ayna usoo jeedsadaan wax ka qabadka dhibaatooyinka ka aloosan caalamka carabta, iyo ka hor taga colaadaha ku wajahan carabta ee dibada kaga imanaya.
Shir Madaxeedkan Carbeed, ayaa gabagabadii, waxa uu soo saaray in Shir Madaxeedka 30aad ee soo aadan lagu qabto wadanka Tuunis, bisha March 2019.