Dawlada Australia ayaa lagu eedaynayaa in ay ku degdegtay jinsiyad ka xayuubinta ay ku samaysay ninka la yidhaahdo Neil Prakash.
Dawlada ayaa ku adkaysanaysa go’aankeedaas ay jinsiyada ooga xayuubisay Neil Prakash oo 27 jirka ah, kuna dhashay magaalada Melbourne, asal ahaana kasoo jeeda wadanka Fiji.
Ninkan oo haatan ku xidhan wadanka Trukiga, ayaa eedda loo haysto waxa ay tahay in uu ka midyahay kooxda Islamic State, waliba la sheegay inuu ka midyahay dadka tababarada bixiya.
Todobaadkii nadhaafay dabayaaqadiisii ayey dawladu ku go’aan qaadatay in ay jinsiyada Australia ka xayuubiso Neil Prakash, kadib markii lagu soo eedeeyay xidhiidhkiisa uu la leeyahay Islamic State.
Arintan ayaa muran siyaasadeed dhalisay kadib markii dalka Fiji oo uu kasoo jeeday asal ahaan uu ku dhawaaqay, sida wararku sheegayaan, in Neil Prakash uusan ka mid ahayn muwaadiniinta Fiji.
Dulucda muranka ayaa waxa ay tahay hadii Fiji ay cadayso in Prakash uusan muwaadiniinteeda kamid ahayn, dawlada Australia waxaa ka reeban in ay jinsiyada ka xayuubiso qof xaaladaas oo kale ku sugan, sababtoo ah waxa uu qofkaasi noqonayaa qof aan wadan lahayn.
Wasiirka arimaha Socdaalka iyo Jinsiyada David Coleman, ayaa isagu ku adkaysanaya in dawladu ay raacday habkii sharciga ahaa ee dalka u deganaa, dhanka la mucaamalka xaaladahan oo kale.
Afhayeenka mucaaradka ee waaxda socdaalka Shayne Neumann, ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha Peter Dutton, uu ku fududaaday ka xayuubinta Jinsiyada ee Neil Prakash.