SKIP TO MAIN CONTENT

The Australian Medical Association is calling on the Australian government to have the children in detention on Nauru to be immediately removed from the island.

Dr Sara Townend and Dr Paul Bauert
Pediatrician Paul Bauert (R) says almost all the children in detention on Nauru are traumatised. (AAP) Source: AAP

1 min read

Published



Skip to article content

Ururka dhaqaatiirta Australia ayaa ugu baaqay dawlada Australia inay si degdeg uga saarto caruurta ku jira xerada qaxootiga ee Nauru.

A-M-A ayaa sidoo isku dayday inay ka dhaadhiciso dawladu inay wax ka badasho siyaasadeeda Nauru laakiin bishii lasoo dhaafay RW Scott Morrison ayaa diiday codsiga ururkan dhaqaatiirta.

Dr Paul Bauert oo ka tirsan A-M-A ahna dhaqtarka caruurta kuna soo daaweeyay bukaan jasiirada Nauru ayaa sheegay inay tahay xaalad murugo leh oo si sahlan looga baaqsan karay.

(("Caruurta Nauru ku jirta waxay u tahay siyaasad ulakac ah oo dawlada Australia ay ku doonayso in halkaas lagu hayo, waa siyaasad ulakac ah oo dhibaato wayn ku haysa. Waxaana anigu aaminsanahay kaysaska aan qiimeeyay inayba mucjiso tahay inaan wali dad ku dhiman.))ayuu yiri Dr Bauert.


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now