Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Xisbiga Laborka oo ku guulaystay kursiga Batman ee Melbourne.

Xisbiga Laborka oo ku guulaystay doorashadii dib-ugucelinta ee kursiga Batman ee Melbourne.

Labor wins Batman seat
Source: AAP

 

Xisbiga Laborka ayaa ku guulaystay doorashadii dib loogu celiyay ee kursiga Batman ee Melbourne.

Gabadha ku guulaysatay ee Laborka ka sharaxnayd ayaa la dhahaa Ged Kearney, kursigan oo xubin ka tirsan Laborku  uu  baneeyey kadib markii uu arinta laba-jinsiyad haysashada uu ku dhiiqday.

Arinta xusida mudan ayaa waxa ay tahay in aan la filaynin Laborku in ay kursigan ku guulaystaan, waa sida ay warbaahintu odorasaysay, iyadoo loo badinayay kursigan in ay kusoo bixi doonto gabadha  Xisbiga Greenka u sharxnayd Alex Bhathal.

Kadib mushquulkii ololaha doorashada Batman, hada waxaa hadal hayntu  ku socotaa sababta Greenku ay u waayeen kursigan, tan oo xitaa saamayn ku samaysay hogaamiyaha Xisbiga Greenka Richard Di Natale, iyadoo ay shaki ka  keentay dhanka xirfadiisa hogaamiyanimo.

waxyaabaha la odorasayo in ay kala wareegan sababeen ayaa waxaa loo badinayaa in ay tahay arimaha lookala ololaynayay.

Xisbiga Greenka ayaa iyagu haatan ku hawlan sidii ay xiisadaas u xakamayn lahaayeen, iyagoo xooga saaraya in ayna saamayn xun ku samaynin kursigan ay waayeen. 

 

 


1 min read

Published

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now