Wiil uu dhalay nin xisaabiye u ahaa booliska NSW Curtis Cheng ayaa ku baaqay in lasoo afjaro siyaasada ah in wixii xunba xaawaa leh laga dhigayo Muslimiinta Australia.
Hadalka Alpha Cheng oo uu dhalay Curtis Cheng ayaa dabasocda qudbadii Senator Fraser Anning ka jeediyay baarlamaanka isagoo ku baaqay in soogalootiga Muslimiinta ah laga mamnuuco Australia.
Mr Cheng ayaa sheegay in laga filikaro inuu baaqaas taageero kadib markii 15 jir Muslim ah uu aabihiis si naxariis daro ah ugu toogtay dibada xarunta booliska NSW oo ku taal Parramatta 2015 laakiin Mr Cheng ayaa diiday inuu ku raaco baaqaas.
Mr Cheng ayaa maqaal uu ku qoray joornaalada Fairfax wuxuu ku sheegay inuu ka daalay inuu dadka u sharaxo in falalka shaqsiyaad aan loo nisbayn karin bulsho dhan.
Wuxuu intaa ku daray in haddii anigoo aabahay nin Muslim ah uu dilay aan sidaan u fakarayo waxaa laga doonayaa inay xildhibaanada na matalanaa ayaa taas gartaan.