Qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Maraykanka ayaa lagu yiri "Dawlada Maraykanku waxay ugu hambalayasay shacabka Soomaaliyeed sida guushaa ee ay usoo afjareen nidaamkii doorashada qaran. Waxaan u hambalayaynaynaa Mohamed Cabdullahi Mohamed in loo doortay inuu noqdo madaxweynaha dawlada federalka Soomaaliya, waxaan sugaynaa inaan si dhow ula shaqayno isaga iyo dawladiisa" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibada dawlada Maraykankan.
qoraalka ayaa intaa ku daray " waxaan ku amaanaynaynaa ciidamada amaanka Soomaaliya iyo kuwa Amisom dadaalkii 6 bilood ee u danabysay ay ku suurto galiyeen in nidaamka doorashadu si amaan ah u socdo"
"Xil wareejintan waxay ka turjumaysaa talaabo muhiim ah oo hore uu u qaaday dalku" " waxaan sidoo kale ku amaanaynaa kumaankunka Soomaalida ee dalkoo dhan oo ay ku jiraan dhalinyaro haween oo awood u helay inay ku codeeyaan tiro ka badan doorashadii
"Waxaan ku dhiiragalinaynaa maamulka cusub ee Soomaaliya inay qaado talaabooyin wax ku ool ah oo lagu ciritirayo musuqa iyo in la abuuro hayad doorasho si loo gaaro doorasho cadaalad ah oo hal qof iyo cod ah 2020" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasarada arimaha dibada.
"Maraykanku waxay sugayaan in dhisida dawlada cusub iyo in iyadoo la shaqaynysa madaxweynaha inay wax ka qabato arimaha dibuheshiinta, abaarta, amaanka iyo in la dhiso hayadaha dawladeed oo adag oo keeni kara dawlada wanaag iyo horumar dalku gaaaro" ayaa lagusoo gabagabeeyay qoraalka.
