Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Qabsoomida shir madaxeedkii Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo raja yeeshay.

Qabsoomida shir madaxeedkii Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo raja yeeshay.

File image of people watching TV during an announcement of the summit
US President Donald Trump says the summit with North Korea's Kim Jong Un is being arranged. (AAP) Source: AAP

Shirkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyo hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un, ayaa mar kale qabsoomidiisu ay raja yeelatay, kadib markii uu madaxweynaha Maraykanku uu sheegay Sabtidii (26/05/18) in wali shir mardaxeedkii isaga iyo dhigiisa Kuuriyada Waqooyi, in si fiican loo qorshaynayo, ayna u badan tahay in taariikh 12 June in uu qabsoomo sidii horay loo qorsheeyay, laguna qabto wadanka Singapore.

Sidoo kale waxaa iyadana la xaqiijiyay in wafdi Maraykana uu haatan ku suganyahay Kuuriyada Waqooyi, si ay oogu gogal xaadhaan kulanka labada masuul.

 Waxaa kale oo iyaduna jirta, in labada madaxweyne ee labada Kuuriya in ay shir madaxeedkii labaad yeesheen, taas oo ay kasoo muuqatay danaynta qabsoomida shir madaxeedka labada masuul maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Shirkan ayaa maalma ka hor uu madaxweynaha Maraykanku uu joojiyay, kadib markii ay cakirantay xidhiidhadii dhanka diblomaasiyada, iyadoo labada dhinacna hadala xanaf leh ay is dhaafsadeen.

 Waxaa jirta in Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay u suxul duubayaan in wadanka Kuuriyada Waqooyi hubkiisa nukliyeerka si buuxda looga dhigo, halka Kuuriyada Waqooyi ay wali jirto in ayna si buuxda isu dhiibin, waloow ay muujinayso doonid ah in ay ka tanaasusho nukliyeerkeeda, hadii ay hesho damaana qaad ah in ayna maraykanku khatar ku haynin.


2 min read

Published

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now