Australia ayaa xaqiijisay in tirada dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus uu hadda gaaray 400 oo qof. Dawlada ayaa wada qorshe ay xanuunkan kaga difaacayso dadka u nugul oo qatarta ugu wayn kasoo gaarikarto.
Dawlada federalka ayaa sii balaarinaysa adeegyada talooyinka dhanka teleefoonada lagu bixiyo si loogu ogolaado in shaqaalaha caafimaadku u isticmaali karaan farsamooyinka cusub.
Waxaan meesha laga saarin in iskuulada la xirayo laakiin dawlada ayaa doonaysa inay hesho maaskarooyinka wajiga lagu xirto oo badan iyo waliba qalabka dadka looga baaro xanuunka coronavirus.
Wasiirka caafimaadka federalka Federal Greg Hunt ayaa sheegay in Australia ay dalalka qaar kaga horayso dadaalada lagu joojinayo fidida xanuunka COVID-19.
"Waxaan baarnay inka badan 3 kun oo qof Australia oo dhan, waxaan filayaa tiro taa ka badan 24 saacadood ee soosocda. Maanta dad badan ayaa la baarayaa marka waxaan ka mid nahay dalalka ugu baarida badan aduunka oo dhan," ayuu yir Mr Hunt.
Dhanka kalana wasiirka dalxiiska dawlada federalka Simon Birmingham ayaa sheegay inay ka go'an tahay hubinta in hay'adaha dalxiiska dalku ka badbaadaan kana soo kabsadaan xaalada uu dhaliyay xanuunka coronavirus.
Shirkada diyaarada Qantas ayaa jaraysa 90% duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caalamka intiisa kale ilaa dhamaadka bisha May taasoo keenaysa in 150 diyaaradood oo shirkadu leedahay aysan kacayn, arintana ayaa walaac wayn ku dhalisay hay'adaha dalxiiska.
Wasiir Birmingham ayaa sheegay in hay'adaha dalxiisku ka bixidoonaan xaaladan degdeg ah ee caafimaad laakiin wuxuu qiray inay waqti adag galayaan shaqaalaha Qantas iyo shirkadaha kale ee ka shaqaysta dalxiiska.
Wasiirka ayaa intaa ku daray inaysan cadayn waqtiga dhibaatadan soconayso laakiin uu hubinayo in shirkadaha diyaaraduhu mustaqbalka awoodooda lasoo noqonayaan.
"Labada shirkadood ee diyaaradaha waaweyn waxay igu qanciyeen inay ladan yihiin oo ay haystaan lacago kayd ah oo ku filan ayna qorshaynayaan inay daruuftaan lama filaanka ah ka gudbaan. Waana lagama maarmaan inaan hubino inaan leenahay shirkado diyaaradeed oo xoog leh," ayuu yiri wasiir Birmingham.
Air New Zealand ayaa sidoo kale jartay 13 duulimaadyo ay ku tagi jirtay Australia.
Virgin ayay dhici kartaa inay iyana yarayso duulimaadyada NZ iyo Australia ukala duuli jiray.