SKIP TO MAIN CONTENT

Toogasho Maraykanka ka dhacday oo dad ku dhintay

Maraykanka toogasho ka dhacday oo dhimasho iyo dhaawacba sababtay.

US shooting
US shooting Source: The New York Times

1 min read

Published

Source: SBS


Skip to article content

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen shan kalana ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday dhismaha Jaamacadda Gobolka Michigan.

Booliska jaamacadda ayaa bartooda Twitter-ka soo dhigay in rasaas lagu furay xerada East Lansing oo qiyaastii 145 KM dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Detroit.

Fariinta ayaa ku boorisay ardayda iyo shaqaalaha inay "meel isugu aruuraan ", halka muuqaal laga soo duubay warbaahinta maxalliga ah uu muujinayay askarta oo ku qulqulaya xarunta.

Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha oo markii hore lagu tilmaamay nin gaaban oo soo xirtay maaskaro, waxaana markii ugu dambeysay la arkay isagoo lugeynaya dhismaha ururka ardayda.

Waxaa weli soo baxaya faahfaahin ku saabsan dhacdadan.

 


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now