Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen shan kalana ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday dhismaha Jaamacadda Gobolka Michigan.
Booliska jaamacadda ayaa bartooda Twitter-ka soo dhigay in rasaas lagu furay xerada East Lansing oo qiyaastii 145 KM dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Detroit.
Fariinta ayaa ku boorisay ardayda iyo shaqaalaha inay "meel isugu aruuraan ", halka muuqaal laga soo duubay warbaahinta maxalliga ah uu muujinayay askarta oo ku qulqulaya xarunta.
Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha oo markii hore lagu tilmaamay nin gaaban oo soo xirtay maaskaro, waxaana markii ugu dambeysay la arkay isagoo lugeynaya dhismaha ururka ardayda.
Waxaa weli soo baxaya faahfaahin ku saabsan dhacdadan.