Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Nabadoon Axmed Jaamaca Qalyar oo 14 kii bishii hore ee september lagu dhaawacay magaalada Kismaayo uu dhaawicii maanta oo khamiis ah ugu geeriyooday cisbitaalka Digfeer.
Suldaanka ayaa labadii asbuuc ee u danbeeyay lagu daawaynayay cisbitaalka.
Suldaanka ayaa madax u ahaa gudi ay dhiseen xubnaha mucaaradka ku ahaa dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Islaan intii laysku hayay doorashii dhawaan ka dhacday magaalda Kismaayo.
Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar, ayaa la dhaawacay xilli uu ku sii socday masjid ku yaal magaalada Kismaayo.