Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Trump admits Trump Tower Meeting with Russians

President Trump addresses a rally in Ohio.
US President Donald Trump says the Trump Tower meeting was "legal" and will fight any subpoena. (AAP) Source: AAP

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qirtay in wiilka uu dhalay uu kula kulmay saraakiil Ruush ah 2016 dabaqa Trump tower si loo siiyo macluumaad ka dhan Hillary Clinton oo ay doorashada isagasoo horjeedeen, Laakiin wuxuu kulankaas ku tilmaamay mid gabi ahaanba sharciga waafaqsan.

Mr Trump ayaa sidoo kale shaagay in kulamadan ay ahaayeen kuwo caadiyan siyaasada qayb ka ah oo aan waxba ka qaldanayn.

Madaxweynahan Jamhuuriga ah ayaa hore u sheegay in kulanka looga hadlay caruur Ruush ah oo waalidiin Maraykan ah ay korsadaan (Adoption).

Madaxweynaha ayaa bartiisa Twitherka ku qoray ujeedada kulanka oo ay wiilkiisa iyo qaar kale ku sheegeen inuu ah mid lagu raadinayay macluumaad dhaawac ku ah musharaxada xisbiga Dimoqraadiga.

Qoraalka uu Twitherka soo dhigay ayuu Trump ku dafiray warar ay shaaciyeen joornaalka Washington Post iyo CNN oo ay ku sheegeen in madaxweynuhu ka walaacsan yaha in wiilkiisa wayn ay dhibaato xaga sharcigaa uga timaado kulankan lala yeeshay shaqsiyaad Ruush ah oo ay ka mid tahay qareemad xiriir la leh aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremilinka.

 


1 min read

Published

Updated



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now