Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Trump defiant as outrage over family separations grows

A US Border Patrol Processing Center in Texas.
Source: AAP

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sii laban laabay siyaasadiisa muranka badan dhalisay ee caruurta soogalootiga ah looga reebayo waalidkood isagoo madaxweynuhu wajahayo xildhibaano xisbigiisa ka tirsan oo aad uga xumaaday qalalaasaha xadka koofureed ee dalka ka haysta arimaha qaxootiga.

 

Inkastoo saraakiil sarsare ay ku taageereen siyaasada aan jixinjixa lahayn ee Trump iyagoo ku adkaysanaya in caruurta loo hayo si binaadanimo ah, balse waxaa dhaliilo badani ka yimaadeen kooxaha xaquuqda binaadanka u dooda, kooxo diimeed iyo xaasaskii madaxweynayaasha Maraykanka oo ay ku jirto xaaska Trump.

Xildhibaano ayaa ku booqday caruur lagu hayo xeryo ku yaal Texas iyo California iyagoo sheegay in caruurtaas oo ooyaya lagu hayo meel xiran oo qafis ah oo xayndaab lagu wareejiyay iyagoo aan ogayn marka ay waalidkood markale arki doonaan.

 

puInXHkQ9qS2H0tr?format=jpg&name=small

Laakiin Trump ayaan dhago qalaq u siin eedahaas iyo cadaadiska sii kordhaya oo xisbigiisa magac xumo usoo jiidi kara.

"Ma doonayo in caruurta waalidkood laga qaado" ayuu ku yiri kulan uu la qaatay ganacsato yaryar isagoo intaa ku daray "si waalidka loogu ciqaabo inay sharcidaro kusoo galeen dalka waa in caruurta laga qaado"

1x1

Mexico condemns 'inhuman' US separation of migrant families

 

READ MORE

1x1

All five living first ladies condemn US separation policy

 

Iyadoo xunbo ka tirsan xisbiga jamhuuriga ah oo magac wayn leh oo uu ka mid yahay Senator Johm McCain ay dalabayaan in lasoo afjaro caruurta iyo waalidkood lakala saarayo, aqalka congreska ayaa waxaa horyaala labo shaci oo soogallotiga quseeya.

'Inhuman'

QM ayaa ku tilmaantay waalidka iyo caruurta lakala saarayo wax aan maskaxda gali karin halka Amnesty ay ku tilmaantay inay la mid tahay jirdil, wasiirka arimaha dibada Mexico ayaa canbaareeyay oo ku tilmaamay mid binaadanimoda ka baxsan oo arxandaro ah.

 

Source: AFP - SBS


2 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now