Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si bablig ah u diiday inuu taageero cadaymaha ay soo bandhigeen hayadaha sirdoonka oo dheegay in Ruushku faragalin cad ku sameeyay ololihii doorashada ee 2016 Maraykanka.
Donald Trump ayaa hadalkan jeediyay kadib shir madaxeed ku dhexmaray isaga iyo dhigiisa Ruushka Vladamir Putin caasimada dalka Finland ee Helisinki wuxuuna dafiriyay inay wax xiriir ah dhexmareen ololihiisa madaxweyne iyo sirdoon Ruush ah.
Hadalkiisuna wuxuu kusoo aadayaa maalmo kadib iyadoo wasaarada cadaalada Maraykanku ay 12 basaasiin mailatariga Ruushka ka tirsan kusoo oogtay dacwooyin ah inay u dhaceen kumbutarada xisbiga dimoqraadiga Maraykanka
Madaxweynaha ayaa sheegay in arinta faragalinta lagusoo qaaday kulanka uu la yeeshay madaxweyne Vladamir Putin isagoo intaa ku daray in Putin dafiray faragalintaas.
kUlankan oo ah mid alaababadu u xirnaayeen ayay labada madaxweyne ku sheegeen mid miro dhal ah oo ay kaga wadahadleen arimo ganacsi iyo milatari.