Trump oo casilay wasiirkii arimaha dibada ee Rex Tillerson

President Donald Trump has sacked the Secretary of State Rex Tillerson over Twitter

Donald Trump fired Rex Tillerson,

Donald Trump fired Rex Tillerson Source: AAP

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,  ayaa casilay Xoghayihii Arimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson.  Casilaadan ayaa timid kadib mudo khilaaf si hoose u jiray, oo u dhexeeyay madaxweyne Donald Trump iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tellerson.

Casilaada wasiirka ayaa timid isagoo booqasha dibada ah ku dhex jira, taasoo keentay in uu soo afjaro safartiisii, isagoo sida la xaqiijinayo casilaada wasiirka aan lagala tashanin, laguna wargalinin, kaliyana uu ka ogaaday  barta Tweeterka ee Madaxweyne Trump, oo uu ku sheegay in uu casilay Rex, isagoo ooga mahad celiyay wax qabadkiisii.

Dhankiisa Rex Tillerson, ayaan wax hadala ka dhihin duruufta casilaadiisa, isagoo shir jaraa'id oo uu qabtay casilaada ka dib ku sheegay in uu si fudud ku samayni doono xil wareejintiisa, isagoo sheegay in uu bisha March dhamaadkeeda shaqadiisa oogu egtahay, kuna wareejin doono ku xigihiisa hawlihii uu hayay.

Donald Trump, ayaa isagu sheegay in Tillerson ay ku kala aragti duwanaayeen arima badan, oo ay oogu horeeyaan heshiiska nukliyeerka ee Iran, Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka.

Jagadan ayaa waxaa Donald Trump uu u magacaabay madaxa C I A  da Maraykanka  Mike Pompeo.  Iyadoo uu u magacaabay  madaxa CIA da,  haweeneeydii ku xigaha u ahayd Mike Pempeo,  Gina Haspel, iyadoo noqonaysa haweeneeydii oogu horaysay oo madax ka noqota CIA da.


Share

Published

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand