Trump oo balaqaaday inuu amniga dib usoo celinayo

US President Donald J. Trump walks from the White House to pose with a bible outside St. John's Episcopal Church.

US President Donald J. Trump walks from the White House to pose with a bible outside St. John's Episcopal Church. Source: EPA

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa balanqaaday inuu soo afjarayo rabshadaha iyo fawdada ka socota dalka oo dhan.

Dibaxbaxyada ayaa ka qarxay dalka kadib dilkii George Floyd oo ahaa nin madowga Maraykanka ah oo ku dhintay gacanta booliska magaalada Minneapolis

Inkastoo qaar badan oo dibadbaxyaasha ah ay si nabad ah u mudaharaadeen, qaar kale ayaa ku kacay falal fawdo ah oo ay ku jiraan inay burburiyeen dhismayaal, boob baahsan iyo iska horimaadyo rabsdhado wata.



Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay sida ay barasaabyadu uga jawaabeen rabshadaha mid "daciifnimo ah" isagoo ugu baaqay in isticmaalaan ciidanka National Guard si amniga dib loo soo celiyo.

"Burburinta nolosha dadka aan waxba galabsan iyo daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan waa danbi ka dhan ah binaadinimada, waa danbi ilaahay laga galayo. Maraykanku wuxuu u baahan yahay in la dhiso ee uma baahna in la burburiyo. Wuxuu u baahan yahay iskaashi ee uma baahna xaqiraad. Wuxuu u baahan yahay amaan ee uma baahna fawdo. Wuxuu u baahan yahay bogsasho ee uma baahna nacayb. Wuxuu u baahan yahay cadaalad ee uma baahna isku dhexyaac. Tan ayaa ah ujeedadeena waana ku guulaysanaynaa 100%," ayuu yiri madaxweyne Trump.


Share

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Trump oo balaqaaday inuu amniga dib usoo celinayo | SBS Somali