Trump tells US congresswomen to go back where they came from

US Progressive congresswomen

Source: ABC Australia

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afkaa ku qaaday koox xildhibaano haween ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, isagoo u sheegay haweenkaas "inay dib ugu noqdaan meelihii baaba'sanaa oo danbiyadu hareeyeen oo ay ka yimaadeen" wuxuuse madaxweynuhu iloobay in haweenkaas ay yihiin muwaadiniin ku dhashay Maraykanka marka laga reebo mid ka mid ah.

Saddex fariimood oo uu Twitterka dhigay ayuu madaxweynuhu ku sheegay in haweenka ka tirsan garabka horusocodka "Progressive' ee xisbiga Dimoqraadiga inay markoodii hore ka yimaadeen dalal dawladohoodu ay gabi ahaanba burbureen ahna kuwa ugu musuqmaasuqa badan aduunka oo dhan.
Wuxuuna intaa ku daray in "Nancy Pelosi ay aad ugu faraxsanaan lahayd inay tigidho lacag la'aan ah u jarto" taas oo loo qaatay inuu xiganayay  khilaaf la sheegay inuu soo dhexgalay haweenkaas xildhibaanada ah iyo hogaankooda sare ,Nancy Pelosi, afhayeenka aqalka congress ka.

Haweenkan madaxweynuhu weeraray ayaa waxaa ka mid ah"

  • Alexandria Ocasio-Cortez oo New York lagasoo doorto
  • Ilhan Omar oo Minnesota lagasoo doorto
  • Ayanna Pressley oo Massachusetts lagasoo doortay
  • Iyo Rashida Talib oo Michigan lagasoo doortay
Afartan haween ayaa ka mid ahaa tiradii ugu badnayd oo haween kasoo jeeda dadka laga tirada badan yahay oo aqalka hoose loosoo doortay doorashadii xiliga dhexe ee 2018.

Kooxdan haweenka ah ayaa ku caanbaxay inay si bablig ah u dhaliilaan madaxweynaha iyo xisbiga jamhuuriga ah.

Ilhan Omar oo kaliya ayaa ku dhalatay dalka dibadiisa oo waxay dalkaas gashay iyadoo dhowr iyo toban jir ah kadib markii ay waqti dheer kusoo qaadatay xero qaxooti oo ku taal Kenya.

Ocasio-Cortez oo kasoo jeeda Puerto Rico ayaa ku dhalatay xaafada Bronx ee New York.

Ms Pressley ayaa ah haweentii madow ah oo ugu horaysay oo lagasoo doorto Massachusetts waxayna ku dhalatay Cincinnati.

Ms Tlaib ayaa waxaa dhalay qoys Falastiniyiin ah waxayna ku dhalatay Detroit.

Xisbiga imoqraadiga ayaa markiiba ku tilmaamay fariimaha madaxweynuhu soo dhigay Twitterka kuwo cunsuriyad ah. Nancy Pelosi oo ah afhayeenka aqalka hoose ayaa sheegtay in madaxweynuhu doonayo inuu Maraykanka markale cadaan ka dhigo.

Ilhan Omar oo u jawaabysa madaxweynaha ayaa barteeda Tweitterka ku qortay in " madaxweynuhu kicinay dadka wadanimada cadaanka aaminsan sababtoo ah wuxuu ka caraysan yahay in dad iyadoo oo kale ah ay aqalka congress ka ku jiraan oo ay la dagaalamayaan ajendayaashiisa nacaybku ka buuxo"
Dulqaad la'aanta Maraykanka ka jirta ayay tiri waxaa jawaab u ah kala duwanaanshaha.

Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand