Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay beesha caalamka in cunqabatayn la saaro dalka Holland kadib markii dalkaas uu ka horistaagay labo wasiir oo Turkey inay ka hadlaan dibaxbaxyo lagu taageerayo afti dhawaan Turkey lagu qabanayo.
Iyadoo ay sii kordhayso khilaafka kala dhexeeya Yurub ayuu Mr Erdogan sheegay in dawlada Holland ay u dhaqmayso sidii dal duni sadexaad ah oo dibusosocod ah.
Wasiirka arimaha dibada ayaa laga diiday inuu ka dago magaalada Rotherdam oo uu ka qudbeeyo.
Kadibna wasiirka arimaha qoyska ayaa laga horjoogsaday inay gasho qunsuliyada ay Turkey ku leedahay magaaladan xeebta kadibna waxaa loo galbiyay dhanka Jarmalka.
Talaabooyinkan ayaa ka caraysiiyay Mr Erdogan oo Holland uga digay inay talaabadaas ka aargoosan doonaan.
MR Erdogan ayaa yiri
"Waxaan ugu baaqayaa hayadaha midowga Yurub iyo kuwa caalamigaa ee ujeedkoodu yahay inay difaacaan dimoqraadiyada, xaquuqul binaadanka iyo sharuucda dalka inay codkooda kagasoo horjeestaan Holland oo ay cunaqabatayn kusoo rogaan dalkan."
Dawlada Holland ayaa uga digtay saraakiisha Turkey inaysan dalka soo galin maalmo ka hor doorashada dhacaysa maalinta Arbacadaa ee bisha Mrso tahay 15.
Ololaha doorasho ee kasocda dalka Holland ayaa waxaa hareeyay taageerada sii kordhaysa ee kooxaha garabka midig sida tan Geert Wilders oo leh xisbi Islamka kasoo horjeeda.
Maamulayaasha Holland ayaa ku andacoonaya in arintan ay la xariirta walaaca xaga amaanka ah iyagoo sheegay inay jirto qatar ah in kalaqaybsanaanta siyaasadeed ee bulshada Yurkigu inay kusoo fido bulshada Turkigaa ee degan Holland oo laftoodu u kala qaybsan kuwo Mr erdogan taageersan iyo kuwo kasoo horjeeda.
Qaar ka mid ah xisbiyada Holland ay dawlada ku taageeray go'aankeeda.
MR Erdogan ayaa la aaminsan yahay in sawirka ah Turkey oo Yurub cadaadis ku hayso inay caawinayso kuwa aaminsan qaranimda Turkey ka hor aftida la qabandoono bisha soosocota taasoo lagu xoojinayo awooda madaxweynaha.Mr Erdogan ayaa sheegay in Holland ay u dhaqmayso sidii dal dibusocod ah.
Wasiirka arimaha dibada Turkey ayaa ku tilmaamay Holland inay tahay dal Fashiste ah iyadoo Mr Erdogan laftiisu ku tilmaamay mid Nazi ah.
Laakiin Raiisul wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa sheegay in hadaladaas ay gabi ahaanba yihiin kuwo aan la aqbali karin wuxuuna Mr Erdogan ka dalbaday inuu raaligalin ka bixiyo.
RW Holaand ayaa yiri
"Aad baan u doonaynaa inaan xaalada dejino laakiin hadalada kasoo baxay madaxweynaha ma ah kuwo xaalada caawinaya. mana ah ku la aqbali karo.
Dhowr dal oo kale oo ka tirsan midowga Yurub ayaa soo galay qulquladan diblomaasiyadeed.
chancellor Angela Merkel ka Jarmalka ayaa sheegtay inay samayndoonto waxkastoo ay ugu hortagi karto in xiisada gudaha ee Turkiga inay ku fido Jarmalka gudihiisa.
Raiisul wasaaraha Denamark ayaa isna baajiyay kulan lagu waday inuu la yeesho RW Turkey isagoo sheegay inuu ka walaacsan yahay in mabaadiida dimoqraadiyada Turkey in culays wayn haysto.
Austria iyo Switzerland ayaa labaduba joojiyay isusoo baxyo ay la haayeen jaaliyadaha Turkey ee dalkaas degan kadib xiisadaha sii kordhaya.