Israel ayaa go'aan ku gaartay inay dalkeeda u diido inay soo galaan labo xubnood oo ka tirsan aqalka Congresska Maraykanka. Labadaas xubnood oo dhaliila siyaasadaha isreal.
Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib ayaa qorshayanayay inay booqdaan Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus oo sidoo kale loo yaqaan Jerusalam asbuuca soosocda.
Labadan xildhibaan ayaa taageera dhaqdhaqaaq u ololeeya in Isreal la qaadaco, Isrealna waxay leedahay sharci u ogolaanaya inay dalkeeda u diido dadka taageersan qaadacada Isreal.
Saraakiisha Isreal ayaa markii hore muujiyay inay ilgaar ah ku eegayaan labadan xildhibaan oo ay u ogolaanayaan inay soo galaan dalkooda laakiin taasi waxay ahayd ka hor intuusan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump twitter ka kaga hadlin booqashada labada xildhibaan.
Mr Trump ayaa ku qoray bartiisa Twitterka inay daciifnimo ku tahay Isreal hadday ogolaato booqashada isagoo intaa ku daray "Waxay neceb yihiin Isreal iyo dadka Yuhuuda ah"

Source: AAP
RW Isreal Benjamin Netanyahu, ayaa sharaxay sababta labadan xildhibaan loogu diiday inay galaan dalka.
"Waxaa jira hal mid oo aynaan yeelanayn, sharci ahaan, ma doonayno inaan u ogolaanao Isreal dad ku baaqaya in Isreal la qaadaco oo ku kacaya fal ay Isreal uga dhigayaan mid aan ahayn dalka sharcigaa ee yuhuudu leedahay..
Mar la waydiiyay go'aanka Isreal ayuu madaxweyne Trump ku celiyay dhaliishiisa labadan xildhibaan.
"Waxay kasoo horjeedaan Yuhuuda, waxay kasoo horjeedaan Isreal. waa wax yaqyaqsi ah, mana ah qalad ay hal sameeyeen, ee waxayaalaha ay ka dhaheen Yuhuuda iyo Isreal waa wax xun, waxay noqdeen wajiga xisbiga dimoqraadiga, xildhibaanada Omar iyo Dhalib waxay dheheen waa ceeb."
Ms Omar ayaa qoraal kasoo baxay ku tilmaantay talaabada Isreal qaaday "mid cay ku ah qayimka dimoqraadiyada iyo jawaab qalad ku ah booqashada saraakiil dawladeed oo ka socda dal saaxiib ah."
Xubin u hadashay ururka xoraynta falastiin, Hanan Ashrawi, ayaa sidoo kale canbaaraysay go'aanka.
"Dawlada Isreal gaar ahaan Netenyahu wuxuu u dhaqmayaa sida lagu yaqaan kaligii talis oo aan aqbalayn aragti kasoo horjeeda. Uma dulqaadanayaan dhaliil, isla markaana waxay gabi ahaanba qarinayaan waxa ka samaynayaan falatiin iyo shacabka la hasto ee Falatiin."
Waxaa sidoo kale dhaliil taa la mid ah ka timid xoghayaha guud ee golaha qaran ee Falatinyiinta, Mustafa Barghouti.
"Waxaan aaminsanahay in hab dhaqanka Isreal muujinayso sida Isreal uga cabsi qabto in labada xildhibaan ay dibada usoo saaraan xadgudugabka ba'an ee xaquuqul binaadanka ee lagu hayo shacabka falatiniyiinta. Waxay aduunka iyo shacabka Maraykanka u sheegi laahaayeen xaqiiqda ah inuu ka jiro midab kalasooc ka xun kii ka jiray koofurta Africa."
Tifafatiraha joornaalka Jersusalem Post, Yaakov Katz, ayaa BBC uu sheegay inay ahayd in Isreal u ogolaato xildhibaandu inay soo galaan dalka.
"Siday doonaanba hay xumaadeene , Rashida Tlaib iyo Ilhan Omar xataa haday yuhuuda neceb yihiin, waxay ka tirsan yihiin xisbiga dimoqraadiga, Isrealna sanado badan lagasoo bilaabo markii la asaasay waxay markasta taageero ka heli jirtay labada xisbi ee dimoqraaadiga iyo jamhuuriga, hadda waxa dhacaya waa in Isreal noqoay kubad siyaasadeed. Diidmada labadan xildhibaan waxay la mid tahay in Isreal la safatay xisbiga Jamhuuriga."