Labo gabdhood oo u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in saraakiil ka socda boqortooyadu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Hong Kong iyagoo isku dayayay inay u baxsadaan Australia.
Labadan gabdhood oo walaalo ah oo magacooda ku sheegay Reem iyo Rawan ayaa sheegay inay ka baxeen diinta Islamka ayna ka baqayaan in la dilo haddii ay Sacuudiga ku noqdaan.
Labadan gabdhood oo dhalinta yar ayaa 18 iyo 20 kala jira. Waxay sidoo kale sheegeen in tacadiyo lagula kacay.
Waxay usoo carareen Hong Kong bishii sebtemeber mar ay qoyskoodu fasax ku joogay Sri Lanka, waxayna hadda ku talo jireen inay Australia u duulaan.