Booliska Maraykanka ayaa baaraya geerida labo gabdhood oo walaalo ah oo u dhashay dalka Sacuudiga oo maydkooda laga helay daafta wabiga Hadosn ee magaalada New York.
Tala Farea oo 16 jir ahayd, Rotana Farea oo 22 jir ahayd ayaa maydkooda la helay iyagoo layskula xiray.
Quburada caafimaadka ayaan wali ogaan sababta gabdhahaan ay u dhinteen.
Warbahinta deegaanka ayaa kusoo waramaysa in gabdhahan ay ku noolaayeen gobolka Virginia ka hor geeridooda ayna dhawaan magangalyo waydiisteen dawlada Maraykanka.