SKIP TO MAIN CONTENT

Laba dhalinyara ah oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen dab ka dhacay Queensland.

Two teenagers accused of lighting the Peregian fire in Queensland.

A firefighter battles the bushfire in Peregian Beach, Queensland
A firefighter battles the bushfire in Peregian Beach, Queensland Source: Wavell Bush Photography

1 min read

Published

By Mohamed A Madar



Skip to article content

Bilayska gobalka Queensland ee Australia ayaa ku eedeeyay laba dhalinyara ah in ay si ula kac ah dab u qabadsiiyeen degaan ka mida Queensland.

Labadan dhalinyaro -  oo kala ah  wiil 14 jira oo kasoo jeeda degaanka Peregian Springs iyo gabadh 15 jira oo kasoo jeeda degaanka Coolum Beach – ayaa  la rumaysanyaha in ay iyagu sababeen dabka ka holcay  degaanka Peregian, kaasoo gubay hal guri Isniintii lasoo dhaafay.

Goobtaasi dabku ka kacay ayaa haatan iyadu ka mida meelaha dabka laga xakameeyay, iyadoo qaar kamida dadkii degaanka ahaa ay dib oogu laabteen.

Sida lagu soo waramayo, labada gobol Queensland iyo New South Wale,  goobo 100 gaadhaya ayaa wali gubanaya, balse xaalada haliseed ee dababkaas ayaa sii yaraanaysa. Dadka degaanka ayaa dhankooda lagula taliyay in ay digtooni qabaan mar walba, una dhag taagaan xaaladaha dabka.

 


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now