U Diyaar garooba SBS World Movies oo aad ka daawan doontaan Kanaalka 32

Qaabkeed kusii daawan doontaa SBS VICELAND laga billaabo 17-ka Bisha June 2019.

SBS Viceland HD logo

SBS VICELAND is available in HD on free-to-air channel 31. Source: SBS

Laga Billaabo Maalinimada Isniinta 17-ka Bisha June 2019 waxaa daawadayaasheena ku xiran SBS VICELAND Kanaalka 32 looga baahan yahay in ay u wareegaan Kanaalka lambarkiisu yahay 31 si ay usii daawadadaan.

Isbeddelkan cusub ayaa ah mid loogu diyaar garoobayo sidii hawada loo soo gelin lahaa SBS World Movies ee kanaalka 32. Waxaana laga billaabo 1-da Bisha July 2019 diyaar u noqon doona dadka ku nool Australia oo dhan in ay daawadaan  SBS World Movies ee kanaalka 32 iyagoo si bilaash ah & HD tayo sarreysa intaba.

Waa maxay SBS World Movies?

SBS World Movies waa kanaal 24 saac shaqeyn doona oo kasoo geli doona lambarka 32 laga billaabo 1da Bisha July 2019. Waxaad ka daawan doontaa inta u wanaagsan filimaanta caalamka taas oo ka muujinaysa sida SBS oo iminka 25 sano u adeegeysay daawadayaasheeda ku nool Australia sidii ay u daawan lahaayeen aflaam caalamiga ah. Waxaa kanaalkaan aad ka daawan doontaan aflaamka Qaaradda Yurub, Hindida, kuwa jaceylka, Qaraaxada iyo kuwa kaloo badan. SBS World Movies waxaad ka heli doontaan aflaamtii u damebysay oo abaal-marinada  caalamiga muteysteen afaf aan Ingiriisi aheyna u badan.

 Isbedeli noocee ah ayaa ku imaan doona Kanaalka 32 ee SBS VICELAND?

SBS VICELAND waxaad horey uga daawan jirteen labada kanaal ee 32 (Tayo iska caadi ah)  & 31  Tayo aad u sarreysa balse laga billaabo Maalinimada  Isniinta 17-ka Bisha July 2019 waxaa la joojin doona SBS VICELAND in laga helo kanaalka 32 laakiin weli waxaa uu ka sii shaqeyn doonaa lambarka 31. Daawadayaasha SBS VICELAND hadda ka daawada lambarka 32 waxay u baahan doonaan in ay u wareegaan lambarka 31 si ay usii daawan karaan.Barnaamijyada SBS on Demand.

Laga bilaabo isniinta 1 July 2019 Kanaalka 32 horey u ahaa ( SBS VICELAND SD ) ayaa lagu bedelidoona SBS World Movies.

Ma waxaa la yareeyay adeegii SBS  mise kanaalo ayaa la joojiyay?

SBS ma joojin doonto adeeg aad hore uga barateen ama kanaal aad daawan jirteen- Waxaa ka go’an in ay  mar walba usoo  kordhiso adeegyo fara badan dadka Australianka ah si ay macaamiisheeda u kala dooran karaan Dooqooda si bilaash ah SBS World Movies oo looga soo daayo Kanaal 32 iyadoo adeegyadena horena ay jiraan.

Sidee ayaa usii daawan karaa SBS VICELAND?

SBS VICELAND waxaan ka heli kartaa lambarka 31 sidoo akle uu weli diyaar ku yahya SBS On Demand. Kanaalka 31 waa Nooca HD  Waxaa laga yaabaa in daawadayaasha qaarkood ay u baahdaan in ay dib u  raadiyaan kanaalka dhanka TV-ga si ay mar kale dib ugu daawadaan. Haddii TV-ga kuu yaalla uusan awood u laheyn HD MPEG-4, waxaad weli daawan kartaa SBS On Demand

Sidee ku heli karaa SBS World Movies?

Waxaa ay u badan tahay in uu kuu soo galo kanaalka balse haddii ay dhacdo in aad weyso, waxaad raaci kartaa tallaabooyinka fudud (Tallaabooyinka way kala duwanaan karaan oo waxa ay ku xiran tahay nooca qalabka kuu yaala):

  1. Riix furaha “Menu” ama “Home” ee Remote-kaaga si aad gudaha ugu gasho adeega
  2. Ka dooro “digital auto tuning” ama “digital channel search”
  3. Dooro “start” ama “search” waxaa ay qaadan doontaa dhawr daqiiqadood.
Haddii aad u baahato tixraac buugga isticmaalka TV-gaaga ama la xiriir Shirkaddii sameysay.

Haddii aad u baahato caawimaad dheeri ah, waxaad la soo xiriiri kartaa SBS Lambarkan 1800 500 727 saacadaha shaqada.


Share

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand