Watch FIFA World Cup 2026™ LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Udoodayaasha dhibanayaasha danbiyada oo la kulmay Premierka Queensland

Kooxda u doodista dhibanayaasha danbiyada ayaa markii ugu horeysay la kulantay Premier-ka Queensland Annastacia Palaszczuk

Premier Annastacia Palaszczuk of Queensland

Premier Annastacia Palaszczuk of Queensland Source: AAP

Kooxda u doodista dhibanayaasha danbiyada ayaa markii ugu horeysay la kulantay Premier-ka Queensland Annastacia Palaszczuk ka dib toddobaadyo olole xal loogu raadinayo dhibaatada dambiyada dhalinyarada ee gobolka.

Kooxda Codka dhibanayaasha ayaa codsanayay in ay la kulmaan Premier-ka bishii la soo dhaafay ka dib markii ay ku mudaaharaadayeen bannaanka baarlamaanka 23-kii August, oo ay talooyin u soo jeediyeen wasiirro kala duwan.

Aasaasaha Codka Dhibanayaasha Ben Cannon ayaa u sheegay Channel Nine inay ahayd dood guul ah, wuxuuna aaminsan yahay in siyaasiyiinta Queensland ay hadda fahmayaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

Ben waxa uu yidh "Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee aanu si degdeg ah u dhignay waxaan aaminsanahay in Premier-ka iyo xukuumaddu ay dejin karaan qaab-dhismeedka si ay u caawiyaan dhibanayaasha isla markaaba, taasina waxay kordhinaysaa maalgelinta iyo kordhinta taageerada nafsaaniga ah iyo taageerada caafimaad ee dhibanayaashu helaan iyo ka dhigaysa mid degdeg ah oo ka bilaabmaysa marka dambigu dhaco. Dhibanayaasha qaar ayaa hadda sugaya ilaa laba sano si ay dhab ahaan u helaan taageero dhaqaale, oo inta badan waxay ku nool yihiin meel ka baxsan akoonnada GoFundMe si ay uga gudbaan dhibaatadan.".


2 min read

Published

Source: SBS


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now